Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Magaalada Muqdisho

Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Dabkan xooggan ayaa ka kacay agagaarka daarta Seey Biyaano ee magaalada Muqdisho, wuxuuna  sababay in dad badan oo ku noolaa guryaha ag dhow dabka inay guryahoodii naf ugala baxsadaan.


Dabkaasi ayaa ku sii faafaya guryo iyo goobo ganacsi oo ku dhow dhow halka uu dabka ka bilowday.

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka Dab Damiska ayaa u sheegay Daajis in weli ay la tacaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen dabkaasi, oo sida uu sheegay dad ay waxyeelo ka soo gaartay,

Weli qasaaraha nafeed ee ka dhashay dabkan lama oga.

Dadweyne Fara badan iyo qaar ka mid ah dabdamisyada maamulka Gobolka Banaadir ayaa la arkayay iyagoo la tacaalaya dabka oo si weyn ugu faafay dukaamo, guryo iyo meherado kale oo kala duwan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada