Daawo Sawiro + Video laga Soo qaaday Deegaan Dagaal Culus ku dhax maray Shabaab iyo Dowlada iyo Meydadka Ciidamo katirsan Dowlada oo lasoo bandhigay

Daawo Sawiro + Video laga Soo qaaday Deegaan Dagaal Culus ku dhax maray Shabaab iyo Dowlada iyo Meydadka Ciidamo katirsan Dowlada oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawiro laga soo qaaday Deegaan hoos yimaada Degmada Ceel Barde oo labo maalin kahor dagaal Culus uu ku dhax maray Ciidamada Dowlada ,kuwa Itoobiya oo wada jira iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab.f

Muuqaalada Shabaab soo bandhigeen ayaa muujinaya Tuulada Dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo Korunbuud in uu qasaaro xoogan kasoo gaaray madaafiicdii iyo Hubkii cuslaa ee la isku dhaafsaday ku gubteen Guryo dhoor ah.

Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay Meydadka rag ay sheegeen in ay katirsanaayeen ciidamada Dowlada Soomaaliya ay dagaalka la galeen , waxa kale xuseen in Dagaalka ay qasaarooyin kale ku gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiyaanka ee Dagaalka qeybta ka ahaa .

Tuulada Kurunbood ayaa maalmo kahor waxaa ka dhacay Dagaal aad u culus oo dhaliyay Qasaraooyin xoogan oo kala garay labada dhinac ee Dagaalamay iyo waliba dadkii shacabka ahaa ee Degnaa Tuuladaasi lagu dagaalamay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada