Baabuur dab damis ah oo loogu Deeqay Shacabka ku Dhaqan Magaalada Muqdisho(Daawo Muuqaal+Warbixin Ku saasab deeqdaas)

Baabuur dab damis ah oo loogu Deeqay Shacabka ku Dhaqan Magaalada Muqdisho(Daawo Muuqaal+Warbixin Ku saasab deeqdaas)

daajis.com:-Jaaliyadda Soomalaiyeed ee magaalada Leicester ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay baabuur dab damis ah ay ugu deeqeen dabdamiska ka howlgala magaalada Muqdisho. 


Munaasabad loogu wareejinaayo furaha baabuurkaas damdamiska ah sarkaal sare oo ka tirsan dabdamiska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed oo lagu qabtey xarunta Leicestershire Fire and Rescue Service ayaa waxaa goobtaas furaha baabuurkaas lagu wareejiyey sarkaalkaas, iyadoona uu goobtaas hadal kooban uu ka jeediyey madaxa dabdamiska Leicestershire Fire and Rescue Service ninka lagu magacaabo Dennis Saber oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay dadka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku nool magaalada Muqdisho ay ku caawiyaan baabuurkaas dabdamiska ah., Sidoo kale ayaa waxaa halkaas ka hadlay Cabdulaahi Maxamed oo asagu horey ugu tirsanaan jirey dabdamiska magaalada Leicester ee dalkaas Ingiriiska horeyna u deganaan jirey magaaladaas intuusan u wareegin dabdamiska dalka magaalada Muqdisho asagoona sheegay inuu wax weyn ka tari doono baabuurkaas dhibaatada dabdamis la'aanta ee magaalada Muqdisho 

Ugu dambeyntiina iyadoo baabuurkaan dabdamiska ah ee loogu deeqay magaalada Muqdisho uu wax weyn ka tari doona baahida weyn ee loo qabo amaan darada ka jirta xaga dabka sida sahlan uga kaca magaalada Muqdisho ayaa baabuurkaan waxaa uu yahay kii 4aad ee ay hesho dabdamiskaa Magaalada Muqdisho iyadoona ay horey u joogeen ilaa iyo 3 baabuur kale oo dabdamis ah, Baabuurkaan dabdamiska ah ayaa waxaa uu xaqiiqo ahaan yahay mid si aad iyo aad ah loou baahan yahay marka aad eegto masuuliyad darada ka jirta magaalada Muqdisho maadaama aad arkeyso in shidaal iyo waxyaabo badan oo qatar ah si taxadar la'aan ah loogu dhex iibiyo bulshada dhexdeeda arintaas oo keeni karta qatar weyn sida dhacdayba dhawaantaan ka dib markii uu dab qabsaday goob lagu iibiyo shidaalka taas oo uu ka dhashay qaraxyo iyo dab baaxad weyn oo dhibaato weyn lagala kulmay damintiisa. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada