Balotelli: Waligey sidaas oo kale fursado uma lumin

Balotelli: Waligey sidaas oo kale fursado uma lumin

daajis.com:-Weeraryahanka xulka qaranka Taliyaaniga Mario Balotelli ayaa sheegay in uu lumiyay fursado badan ciyaartii xulkiisa Italy 2-1 kaga badiyay xulka Czech isreeb-reebka koobka adduunka.

Super Mario ayaa lumiyay fursado dhowr ah oo uu goolal ku dhalin karay kulankan ka hor inta uusan xaqiijin rigoore Taliyaaniga u dirtay Brazil.
“Sidaas oo kale horey iiguma dhicin, waxaan ahaa nin nasiib xun kulankan, balse ugu dambeyn waa helay shabaqa” ayuu yiri Balo oo la hadlay RAI Sport.
Wuxuu intaas ku daray in aysan noloshiisa kulankan oo kale fursado u dayicin, isagoo qiray in Peter Cech oo ah gool-hayaha qaranka Czech uu qabtay shaqo fiican.
Super Mario ayaa si gaar ah mahad ugu celiyay taageereyaasha Azzuri ee ku sugnaa Juventus Stadium sida ay u taageereen isla markaana magaciisa ugu qeylinayeen markii uu fursadaha lumiyay. “Marnaba uma maleyneyn in aan soo dhaweyn intaas la eg ka helaayo” ayuu yiri.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada