Daawo:- Chelsea Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Ay Soo Gaartay Iyo Everton Oo Guusheedii Ugu Horeysay Gaartay.

Daawo:- Chelsea Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Ay Soo Gaartay Iyo Everton Oo Guusheedii Ugu Horeysay Gaartay.

daajis.com:-Everton ayaa guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan Premier League gaartay ka dib markii ay 1-0 ku quusiyeen kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd Stamford Bridge, waana guuldaradii ugu horeysay ee soo gaartay Chelsea xilli ciyaareedkan, halka sidoo kale ay tahay guuldaradii ugu horeysay ee soo gaarta tartan rasmi ah  tababare Mourinho tan iyo intii uu ku soo laabtay Stamford Bridge. 

Tababare Jose Mourinho ayaa ciyaartaan ku soo bilaabay Samuel Eto’o oo helay kulankiisii ugu horeysay ee Chelsea, halka sidoo kale uu ku soo bilowday Juan Mata, dhanka Everton waxaa kulankiisii ugu horeysay ku soo bilowday Gareth Barry. Daqiiqadii 5aad ayaana fursadii ugu horeysay ay abuurtay Chelsea markii Ramires uu karoos qurxoon u qaaday Eto’o oo labo daafac ku dhex jira, laakiin kubadii uu madaxeeyay waxa ay dulmartay goolka. 

Nusa saac markii ay socotay ciyaarta ayaa Chelsea ay soo martay fursad kale oo dahabi ah goolhaye Tim Howard ayaa kubad goolka agtiisa ugu dhiibtay Juan Mata, kaasoo isna kubad u dhigay Eto’o si uu shabaq banaan u dhex dhigo goolkiisii ugu horeysay laakiin taakal fantastik ah ayaa waxaa kubada ku bixiyay oo ka soo gaaray Gareth Barry.

Shan daqiiqo ka dib Chelsea ay heshay fursad kale, Mata ayaa kubad dhanka midig ugu dhigay Eto’o, kaasoo isna kubada u soo celiyay Ramires kaasoo isna kubada shabaqa la beegsaday laakiin Tim Howard ayaa si fantastik ah ku badbaadiyay. 

Daqiiqadii 40aad ayaa laad xor ah uu tuuray Juan Mata waxaa madax la helay Ivanovic laakiin kubada ay waxa ay si ciriiri ah ku dulmartay goolka. Everton oo fursado fiican aan abuurin qeybtii hore ayaa hal fursad heshay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta waxaana ay ku heleen gool, kubad uu madaxeeyay Jelavic ayaa waxaa madax ku sii dhaliyay Naismith. 

Steven Naismith ayaana dhaliyay goolkiisii ugu horeysay tan iyo markii uu gool ka dhaliyay Chelsea bishii May. Waxaana uu goolka dhaliyay maalin uu u dabaaldegayo dhalashadiisii 27aad.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Everton. Bilowgii qeybta labaad ayaa Chelsea ay abuurtay labo fursadood oo fiican iyadoo Andre Schurrle kubad uu ka helay Ramires uu ka dulqaaday goolhaye Howard balse ay ku dhacday geeska shabaqa. 


Waxaan daqiiqadii ku xigtay ay heleen fursad kale markii Hazard uu kubad gantaal ah ka soo tuuray mee goolka 25 mitir u jirta, waxaana kubada soo tufay goolhaye Howard waxaana ay lugta u gashay Eto’o kaasoo ka faa’ideysan waayay islamarkaana kubada goolka hareer mariyay. 

Qeybihii danbe ee qeybta labaad ee ciyaarta ayaa Everton ay carcar la soo baxday iyagoo ciyaarayay kubad xamaasad leh, waxaana ay cadaadis dhanka weerarka ah saarayeen Blues. Laad xor ah oo uu tuuray Mirallas ka soo tuuray meel 32 mitir u jirta goolka waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay goolhaye Petr Cech.

Chelsea ayaana ku ciyaareysay seddex daafac ka dib markii Torres uu bedelay Ashley Cole, isagoo weerarka ka garab ciyaarayay Samuel Eto’o. Blues ayaa iyadana markeeda cadaadis saartay, Ramires ayaa garoon uu soo dhigay goolka agtiisa waxaa helay Eto’o oo ku dhawaaday inuu kubada dabamariyo Howard. 

Isla markiina Petr Cech ayaa darbo xoogan waxa uu ka badbaadiyay Mirallas, iyadoo ciyaarta ay aheyd weerar iyo weerar celis xamaasad leh. Daqiiqadii 89aad ayaana laad xor kale oo uu tuuray Leighton Baines waxaa ka soo beenisay birta, iyagoo u dhawaaday inay ciyaarta hurdo u diraan.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Merseyside ee Everton, taasoo heshay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka iyagoo leh 4 dhibcood, halka Chelsea ay leedahay 7 dhibcood ka dib afar kulan ay ciyaareen Premier League. 

Waxaana ay tani ka dhigan tahay in Arsenal ay hogaanka Premier League sii heyn doonta ugu yaraan ilaa iyo habeenka isniinta markaasoo kooxda 9 dhibcood la leh ee Liverpool ay ciyaari doonto kulankeeda afaraad ee xilli ciyaareedka marka ay u safrayaan Swansea City.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada