Wadanka Norway Oo laga Bilaabay Ololo Lagu Ciribtirayo Xijaabka

Wadanka Norway Oo laga Bilaabay Ololo Lagu Ciribtirayo Xijaabka

daajis.com:-Gudoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Cunsuriga ee (FRP) oo ka mid ah 4-Xisbi ee doorashadii Dalka Norway ku guuleysatay Per Sandberg ayaa ka dhawaajiyay inay Dalka Norway ka masaafurinayaan Waalidiinta Ajaanibta ah ee gabdhahooda iskuulaadka markay u soo dirayanaan u soo xira Xijaabka.

Ninkan oo la weydiiday su’aal ku saabsan in Norway aysan mamnuuc ahayn waqtigan in Xijaabka la xirto lana weydiiyay qaabka Waalidiinta Gabdhahooda xijaabka u xiro loo masaafurinayo,ayaa ku jaawabay,hadii uu hirgalo qorshaha Xisbiga FRP inay mamnuuc ka dhigayaan iskuulada Norway in Xijaab la xirto.

Waxaa xusid mudan Dalka Norway oo lagu tiriyo Wadamadda Caalamka xuquuqda Beni-aadanka dhawra inay sumcad-darro u soo jiideen Xisbiga FRP oo xubin fir-fircoon uu ka ahaa Ninkii Argaga-xisada ahaa ee Norway 2-sanno ka hor ku xasuuqay 167-Ruux ee la oran-jiray Breivik,waxaana Joornaaladda Caalamka ugu caansan toosh ku ifiyeen in Dalka Norway ay doorasahadii ku guuleysteen Xisbiyada dhanka midig raacsan oo aaminsan in dadka soo galootiga ah iyo Muslimiinta  si xun loola dhaqmo.

Xisbiyadda KRF iyo Venestra ayaa ka horyimid hadalka ka soo yeeray ninkan cunsuriga ah iyo Xisbigiisa,waxayna Bogga Twitterka iyo Facebook soo dhigeen cambaareyn ay u jeedinayaan Xisbiga FRP oo iyagu doonaya inay qanciyaan qaar ka mid ah dadkii codkooda siiyay oo aaminsan in Xijaabka sida Dalka Faransiiska laga mamnuuco Iskuulaadka Norway,inkastoo ay adag-tahay in qorshaha Xisbigan ay ku qancaan Xisbiyadda kale ee doorashadda Norway ku guuleysto oo u arka in sumcadii Norway Caalamka laga aaminsanaa uu dhaawacmayo hadii la qaato talada Xisbiga FRP.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada