daajis.com:-Go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ku go’aamisay in la hakiyo buruntii Heshiiskii u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda SKA .

Go’aanka ay Maxkamaddu gaartay ayey sabab uga dhigtay kadib markii Maxkamadda Sare qeybteeda Idaariga ah ay u fariisatay Codsi uga yimid Qareenka Shirkadda SKA 11/09/2013 kaasoo codsanaayay in Maxkamadda Sare ay soo saarto Go’aan deg deg ah oo ku amraya Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay joojiso Burinta Heshiishkii u dhexeeyay SKA iyo Dowladda Soomaaliya , wuxuuna qareenku sheegay in haddii lagu dhaqaaqo tallaabadaas Sharci darada ah khasaaro hantiyadeed ee soo gaarta Shirkadda SKA.
Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka ee dib loo dhigay in Shirkadda SKA laga wareejiyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa waxa uu imaanayaa in iyadoo la filayay berri oo ah 5/09/2013 sida ay go’aansadeen Golaha Wasiirada laga wareejiyo Maamulka Garoonka Shirkadda SKA Haddii Xukuumadda Soomaaliya ay fulin weyso go’aanka Maxkamadda Sare ayaa waxa ay ka dhigantahay mid wax u dhimeysa Jiritaanka Maxkamadda Sare islamarkaana xukuumadda haddii ay fuliso go’aankeed ku aadan heshiiska ay kula gaartay shirkadda Turkiga in 15/09/2013 kula wareegto Maamulka Garoonka mid aan aan la marsiin Baarlamaanka Soomaaliya oo Xukuumaddu ay si iskeed ah u fulisay.
Hadabab Go’aanka Maxkamadda ay gaartay oo dhameystiran iyo Qoraalka qareenka ee Maxkamaddu ay soo saartay Doccoments ka hoose ka aqriso ee u qoran sidatan Haddaba riix halkan hoose ee ay ku qoran tahay Supreme court
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:41 and have
, Published at