Daawo Sawirada Al-Britaani oo Lasoo Bandhigay Iyo Xog kaloo Badan.

Daawo Sawirada Al-Britaani oo Lasoo Bandhigay Iyo Xog kaloo Badan.

daajis.com:-Ninkii Ingiriiska ahaa ee shalay lala dilay Al Amriki ayaa la sheegay in uu yahay qabiir sameeya bambooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa waxaana uu Dalka Ingiriiska ay iskala soo baxsadeen haweeneydii uu ka dhintay qofkii isku qarxiyay weeraradii London ee 7/7 2005.

Habib Ghani oo 28 jir ah oo sidoo kale loo yaqaanay Osman al-Britani ayaa la
aaminsan yahay in shalay uu ku dhintay dagaal ay la galeen Xarakada  Al Shabaab
ee ka amar qaata hogaamiyaha sare Axmed Abdi Gonade.

Al Britani ayay dowlada Ingiriiska sheegtay in uu xulufo dhow la ahaa haweeneyda
loogu doonis badan yahay Caalamka ee Samantha Lewthwaite oo ah 29 jir British
Islaamtay kadibna guursatay qofkii isku qarxiyay King’s Cross ee Jermaine Lindsay.

Samantha iyo Al britani ayaa ka baxsatay dalka Ingiriiska markii odaygeeda iyo Rag kale ay isku qarxiyeen maxadhada trainda London 2005 tii kadibna waxa ay muddo ku sugnaayeen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo markii dambe ay Samantha ugu sii baxsatay Soomaaliya kadib markii Booliiska Magaalada Mombasa ay fashiliyeen qarax lala maaganaa dalxiisayaasha reer galbeedka ee Mombasa Chrismaskii 2011.

Waxaa la aaminsan yahay in haweeneydaan ay la shaqeyso Osman al Britani hase ahaatee lama hubo in ay la joogtay shalay markii lagu weeraray koonfurta Soomaaliya ee halkaasi lagu dilay AlBritani iyo Al Amriki oo waayadaan dambe baxsad ka ahaa Axmed Abdi Godane.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada