Ma aragtay Shabeel Libaaxeedka dunida ugu weyn uguna culus? Daawo sawirada

Ma aragtay Shabeel Libaaxeedka dunida ugu weyn uguna culus? Daawo sawirada



daajis.com:-Sida lagu lagu diiwaan galiyay buugga waxyaabaha layaabka dunida lagu qoro ee Guinness Book of world records ee sanadkan 2014 waxaa uu libaax shabeelkaan noqday noqday kan ugu weyn uguna miisaanka culus waxii bah mukulaal sheegta iyadoo culeeskiisa lagu sheegay 922 pound oo u dhiganta 418 Kiilo garaam, waxaana xayawaankani iska dhalay Libaax iyo Shabeel ayadoo ay dhaqaatiirta ugu yeereen Liger maadaama magacaasi laga soo gaabshay Lion-tiger anagana waxaan afsomali ku dhahi karnaa Libeel oo aan kasoo gaabineyno Libaax-Shabeel , taasoo micno ahan sidoo kale la dhahi karo mug shabeel.


Waxaa libeelkaan lagu xanaaneeyaa xarun ku taalo South Carolina ee dalka Mareykanka, iyadoo dherer ahaan gaareysaa 333 sentimitir halka balacana yahay 133 Meter iyadoo boqol mar ka weyn cabirka mukulaasha ama yaanyuurta caadiga ah.

Waxaa uu Libeelkaan yahay mid ka lafo weyn xawayaanaadka la mid ah sida shabeelka iyo Libaaxa isagoo walibana ka madax buuran.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada