Fannaanad Qamar Harawo oo lagu xukumay Turkiga: Daawo

Fannaanad Qamar Harawo oo lagu xukumay Turkiga: Daawo

daajis.com:-Safaaradda Somalia ee dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariga iyo sababta keentay in xabsiga la dhigo Fannaanada Soomaaliyeed ee Qamar Cabdullaahi Harawo.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in Fannaanada Soomaaliyeed loo xeray waxyaabo sharci daro ka ah gudaha Turkiga iyadoo soo gelinaysay, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaraddaha Ataturki bilowgii sanadkan.

Safiirka ayaa sheegay in Fannaanada maxkamad la saaray ay xukun ku riday, inkastoo uusan sheegin inta sano ee la xukumay.

Safiirka ayaa sheegay in Safaaradda Somalia ay wax ka qaban weyday arinta fannaanada, maadaama buu yiri dhibaatada ay tahay iyadoo haysato Baasaboor dal reer Yurub, markii ay damceena iney la hadlaan Wasaaraddaha arrimaha dibada loo sheegay in qofkani Somali aheyn.

"Soomaalida waxay wataan baasabooro kale oo aan aheyn keena Soomaaliya, aniga marki aan maqlay waxaan la xiriirnay wasaarada arrimaha dibadda Turkiga waxayna nagu yiraahdeen qofkaan Soomaali ma ahan, runti arrintaan Istanbul ka dhacday dhowr jeerna way soo noq noqtay dadki waxay wataan baasabooro dalal Yurub ah ama America markii aad isku daydo inaad arrimahooda xalliso waxaan kala kulmeynaa dhib oo waxaa nalagu leeyahay dadkani Soomaali ma ahan marka waa dhib waxna uma qaban karno,, ayuu yiri danjie Maxamed Mursal.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Fannaanada lagu qabtay Fannaanada iyadoo dooneysay iney gudaha Istanbul geliso maandooriyaha Qaadka oo ay ka qaatay magaalada Londan, waxaana laga helay boorsadii ay wadatay Fannaanada ee Gargo-ga, taasina ay ke

entay in loo yeero fannaanada kadibna xabsiga la dhigo.

Qamar Cabdullaahi Harawo waxay ka mid aheyd Fannaaniintii Hobolada Waaberi, kuwooda ka dhex muuqda fanka, waxayna ka qeyb qaadatay jilista iyo heesaha dhowr Riwaayadood oo caan ka ah guud ahaan Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada