DEG DEG: Qaraxyo caawa laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

DEG DEG: Qaraxyo caawa laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

daajis.com:-Qaraxyo xoogan ayaa caawa laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda ay xayireen isu socodka wadooyinka.


Qaraxyada oo ah nuuca bamka gacmeedka ayaa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo KM4, Xaafada Xamar weyne iyo meelo kale.

Rasaas ayaa meelaha qaar laga maqlayay, iyadoo dhawaaqa bambooyinka ay ahaayeen kuwo aad u xoogan oo magaalada inteeda badan laga maqlayay.

Inkastoo wararku yihiin kuwo horu dhac ah, ayaa hadana la sheegayaa in qaraxyada u muuqdeen kuwo si saf ballaaran uga dhacaya degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Lama oga qasaaraha ay geysteen qaraxyada ilaa hada la maqlayo, waxaana dadka qaarkiis ay isaga qaldan yihiin dhawaaqa jugta oo aad moodo in madaafiic u muuqaal eg yihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada