Gabar yar oo Soomaali ah oo dhaawac kasoo gaaray xabado la isku weedaarsaday Maraykanka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Gabar yar oo Soomaali ah oo dhaawac kasoo gaaray xabado la isku weedaarsaday Maraykanka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Gabar yar oo Soomaali ah oo 4 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu soo gaarey dhaawac ka dib markii ay haleeshay rasaas ay is weydaarsanayeen kooxo burcad oo ku dagaalamaya dalka Mareykanka. 




Gabadhaan yar ee Soomaalida oo lagu magacaabo Xaliimo oo 4 sano jir ah kuna nool magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay haleeshay rasaas ay is weydaarsanyeen kooxo burcad ah, gabadhaan yar ayaa waxay rasaasta kaga dhacday gacanta bidix iyadoona ay ku dhaceen ilaa iyo labo xabadod, gabadhaan yar ayaa waxaa loola cararay isbitaalka iyadoona halkaas lagu sameeyey qaliin, Gabadhaan Soomaalida ayaa waxaa ay dhexda u gashay rag uu u dhaxeeyey dagaal qaraar kuwaas oo isweydaarsanaayey rasaas ay ooda isaga qaadeen taas oo keentay inay gabahdaan yar uu halkaas ku dhaawacanto.

Ugu dambeyntiina iyadoo xaalada caafimaad ee gabadhaas yar uu yahay mid wanaagsan ayaa falkaas waxaa caro weyn ka muujiyey aabaha dhalay gabadhaas yar oo lagu magacaabo Cabdulqaadar Xuseen asagoona sheegay inay qaati ka taagan yihiin burcadaas islamarkaana uu goobtaas uu ka dhaco mar walba dagaal u dhexeeya ragaas maafiyada ah, aabahaas ayaa intaas waxaa uu raaciyey inuu soo arkay dagaalo badan maadaama uu ka yimid Soomaaliya laakiin uusan waligiis arkin dad caruur yar tooganaayo oo caruurta beegsanaayo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada