Saciido Shiino iyo Maxamed Weerow oo soo saarey Muuqaalka hees oo horay qofkale uqaadey + Video

Saciido Shiino iyo Maxamed Weerow oo soo saarey Muuqaalka hees oo horay qofkale uqaadey + Video

daajis.com:-Fannaaniinta aanan kala dhicin dhinaca ku luuqeynta heesaha talan taaliga ee Saciido Shiino iyo Maxamed Weerow ayaa soo saaray Muuqaalka Heestoodii Adaa I baday oo horey si amar la,aan ah ay isaga soo qaaday fannaanada kale ee Idil Barqad sida ay labada fannaan ku wargaliyeen shabakata daajis ee Alaska oo hada u soo saaray Muuqaalka Heesta. 


Heestaan oo Miraheeda ay wada leeyihiin Mustafa Kiiko iyo Daahir Calasow ayaa waxaa ay siiyeen Saciido shiino iyo Maxamed weerow oo maqal ahaan u qaaday 16 kii bishii maarso 2012,

waxaana ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan heesta oo Muuqaal ah hase ahaatee waxa ay ku baraarugeen Idil Barkhad oo ku luuqeynayso Heestoodii oo Muuqaal ah. 

Waxa ayna soo qaaday Heesta oo Muuqaal ah 9 September ee isla 2012 oo ah shan bilood kadib markii heesta ay soo baxday waxaana ay ka badeshay magaca oo ay ka dhigtay Beer Dumar. 

Fanniinta oo aad ugu xumaaday in hees cusub oo dhowaan ay soo saareen si ula kac ah looga bililiqeysto ayaa daajis ugu waramay in aysan kala cadeyn in mid ka mid ah Abwaanada sida wada jir ah u sameeyay heestaan uu siiyay Idil Barkhad iyo in kale. 

Waxaase wax lala yaabo ay ku tilmaameen in hees la wada dhageystay lagu bartay iyaga laga soo daba qaado iyagoo taagan, waxayna cadeynaysaa in qofka tuuga ah uusan wax dan ah ka laheyn sumcad darada ka soo gaareysa ficilka xatooyada ah ee uu sameeyo ayay yiraahdeen Hase ahaatee waxa ay aad ugu mahadcelinayaan shabakada daajis oo ka caawiyay soo bandhigida muuqaalka heesta.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada