Shirka Brussels oo Isniinta Berri Furmaya iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaaladaas.

Shirka Brussels oo Isniinta Berri Furmaya iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaaladaas.

daajis.com:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo maalinta berri uu ka furmayo shirka New Deal ee looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Haweeneyda Arrimaha dibada iyo siyaasada u qaabilsan Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa islka shir gudoomin doona shirkan berri ka furmaya magaalada Brussels.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo xubno kale.

Shirkan ayaa lagu wadaa in dowladda Soomaaliya loogu deeqo lacago loogu tala galay dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha uu ka jeedinayo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan saddexda sano ee soo socota.

Agaasimaha Madaxtooyada Kamal Dahir Gutaale ayaa sheegay in shirka Hiigsiga cusub ee New Deal uu yahay shirweyne looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya iyo sidii caalamka ay u taageeri lahaayeen qorshaha dowladda ay soo gudbisay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada dalka, sida Maamulka Puntland, Galmudug, Maamulka KMG ah ee Jubba, inkastoo Maamulka Somaliland oo horay u qaadacay shirkan, kuna tilmaamay mid aanay quseyn.

Wafuud caalami ah oo ka kala socda caalamka ayaa shirkan ka qeyb galaya, iyadoo lagu dhageysan doono baahiyaha dowladda Soomaaliya ee kaga aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada