Faarax Murtiile: Aniga malehi Facebook-ka lagu caayay Somaliland

Faarax Murtiile: Aniga malehi Facebook-ka lagu caayay Somaliland

daajis.com:-Abwaan Faarax Murtiile oo wareysi siiyay daajis.com ayaa beeninayay qoraal lagu qoray Facebook-ka iyadoo waliba la isticmaalayo magaciisa laguna aflagaadeeyay Somaliland.


"Aniga ma lihi Facebook account mana isticmaalin waligeey" ayuu yiri abwaan Murtiile ayaa hadalkiisa sii raaciyay inuu ka raali gelinaayo aflagaadadii loo geystay Somaliland.


Faarax Murtiile ayaa horey looga bartay inuu heeso macaan iyo hadalo xigmad leh iyo waliba inuu dadka ka qosliyo, abwaan ayaa mar labaad ka raali geliyay taageerayaashiisa aflagaadadii dhacday wuxuu ugu baaqay inay iska jiraan waxyaabahaas oo kale.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada