Soomaali Careesan oo Maanta Dibad bax ka hor dhigtay Xarunta uu kasocday Shirkii Brusseles (Daawo Sawirada)

Soomaali Careesan oo Maanta Dibad bax ka hor dhigtay Xarunta uu kasocday Shirkii Brusseles (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Brusseles ee Dalka Biljamka ayaa sheegaya in maanta afaafka hore xarunta uu kasocdo Shirka looga hadlayo Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya uu ka dhacay dibad bax ay dhigeen dad Soomaali ah.

Dibad baxan waxaa dhigayay sida aan Wararka ku helnay dad kasoo jeeda Deegaanada Khaatumo State iyo koox kale oo taageere u ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan faroole oo maalmahan abaabulo ku aadan dibad bax ay kaga soo horjeedaan Dowlada Soomaaliya halkaasi ka waday.

Dadka dibad baxayaasha oon sidaa u badneen ayaa wateen boorar ay kaga soo horjeedaan Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba Shirka maanta ka furmay Brusseles ee looga hadlayay Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.

Ciidamo badan oo katirsan Booliiska Dalka Biljamka ayaa la geeyay goobta uu kasocdo Shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya kuwaa oo loogu tala galay in ay ka hortagaan dibad baxyada iyo rabshado ka dhaca halka uu Shirku kasocday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada