Daawo Sawirada Toogasho ka dhacday Xarun Ciidamada Badda Mareykanka ku leeyihiin Washington iyo Xaalada oo wali kacsdan

Daawo Sawirada Toogasho ka dhacday Xarun Ciidamada Badda Mareykanka ku leeyihiin Washington iyo Xaalada oo wali kacsdan

daajis.com:-Inta la xaqiijiyay 11- qof ayaa ku dhimatay 12-kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaartay toogasho maanta ka dhacday gudaha Xarun Ciidamada Badda Mareykanka ku leeyihiin Magaalada Washington.

Toogashada ayaa waxaa ka dambeeyay sida la xaqiijiyay rag hubeesan oo tiradooda lagu sheegay ilaa Sadax Nin , ragan Hubeesan ayaa xirnaa Dareeska Ciidanka Mareykanka iyagoona gudaha u galay xaruntan kadibna halkaasi ka bilaabay toogasho ay la beegsanayeen shaqaalaha Xaruntaasi.

Mid kamid ah Raga Weerarka geestay ayaa la xaqiijiyay in la dilay labo kale ayaa baadi goob loogu jiraa oo wali ku dhuumaanaya gudaha xaruntaasi sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan FPI-da Mareykanka , labada nin ee baadi goobka loogu jiro ayaa la sheegay midkood in uu yahay Nin madow halka kan kalan uu yahay ruux cadaan ah , xaalada ayaana ah wali mid kacsan.

Ciidamada Amaanka Magaalada Washington ayaa soo buux dhaafiyay xarunta toogashada ka dhacday waxa ayna isku hareereeyeen halkaasi iyaga oo damacsan in ugu yaraan gacanta kusoo dhigaan raga toogashada geestaan ama dilaan.

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ayaa la arkayaa iyaga oo dul heehaabaya kuwaa oo ka qeyb qaadanaya bad baadinta dadka xarunta ku jira iyo sidoo kale sidii loo soo qaban lahaa raga hubeesan ee wali gudaha ugu jira Xarunta Weerarka uu ka dhacay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada