Booliska Norway oo ugu baaqay aabaha dhalay gabdhihii Suuriya u jihaadka tagay in uu soo afjaro baadi-goobkiisa Turkiga

Booliska Norway oo ugu baaqay aabaha dhalay gabdhihii Suuriya u jihaadka tagay in uu soo afjaro baadi-goobkiisa Turkiga

daajis.com:-Booliska degmooyinka Baarum iyo Asker oo uu deegaan ahaan daggan yahay Aabaha soomaaliyeed ee dhalay gabdhihii Suuriya u jihaadka tagay ayaa ugu baaqay in uu soo afjaro baadi-goobka gabdhihiisa oo uu ka raadinayo xadka Turkiga iyo Suuriya.


Waxa ay boolisku sheegeen in uu Aabahan galineyo nafsadiisa khatar weyn, sidaas darteedna ay baaqan u dirayaan, waxayna intaa raaciyeen in ay fahamsan yihiin dareenka Aabaha dhalay gabdhaha.

Boolisku waxa ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin booliska turkida, iyagana laga rabo in ay baaraan arrinta gabdhahan.

Dhanka kale abuukataha caanka ah ee qareenka u ahaa dilaagii reer Norway Anders Breivik oo lagu magacaabo Geir Lippestad ayaa farageliyay kiiska Aabaha soomaalieed ee gabdhihiisu ka maqan yihiin, wuxuuna ka caawinayaa xuquuqda uu ku leegahay dowladda Norway ee ku aadan arrinta haysata.

Aabaha dhalay gabdhaha ayaa horay u sheegay in uu ku keli yahay baadi-goobka gabdhihiisa, halka waalidiinta kale ee la mid ah ay dowladohooda kaashanayaan si ay u helaan caruurtooda.

Gabdhaha Suuriya u jihaadka tagay ayaa ah kuwo walaalo ah islamarkaana kala jira 16 iyo 19 sano, waxaana la aaminyanyahay in ay maskaxda ka xadeen dhalinyaro carab lagu sheegay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada