Daawo:- Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu casuumay inuu xadhiga ka Jaro wado Tareen maraysa Badda hoosteeda.

Daawo:- Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu casuumay inuu xadhiga ka Jaro wado Tareen maraysa Badda hoosteeda.

daajis.com:-Madaxweyne Xasan Siikh ayaa xariga ka jaray wado cusub oo bada hoosteeda mareeyso oo Europe iyo Asia isku xireeyso, Madaxweeynaha Turkey Cabdallah Guul ayaa yiri maanta waa maalinta saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkey “Turkish-Somali friendship day” sidaa darteed waxaanu ku sharfaynaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu xariga ka jaro wadadan Taariikhiga ah.Arrintan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey madaxda Dalka Turkiga iyo Madaxda dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxay Soomaalida u muujisay Mudo ku dhaw hadda Saddex Sano Taariikh lama ilaawaan ah, Muddo 22 sano ah, ayay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo waddamo badan waxay sheeganayeen inay Soomaaliya, Caawiyaan weliba dowladdaha Deeqaha bixiya, Balse ilaa hadda lama hayo dal sidan oo kale isu Garab is taaga ama usoo gurmada Dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxay Abaal lama ilaawaan ah u gashay Shacabka Soomaaliyeed, Dhinaca Nolosha, Nabadda, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dib u dhiska dalka, Dowladda Turkiga ayaa Nalka u shiday Caasimada Dalka Soomaaliya oo loo yaqaan Bahalo galeen ama ( Worst City in the World) oo ahayd dacaayad ay reer Galbeedku ka fidiyeen Soomaaliya.

Iyadoo Soomaalida lagu suntey saddex Arrimood, , Qaxoonti ,Budhcad badeediyo Argagaxiso (Refugee, Pirates, Terrorist) Maantana waxay taagan tahay heer la kala dheereeyo saaxiibtinimada iyo Abaal sheegashada Dalka Soomaaliyeed
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada