Daawo Muuqaal cusub:- oo ay ka muuqato sida arxan darada ahaa ee loo Laayay Shacakii ku Jiray xarunta ganacsiga Westgate!!

Daawo Muuqaal cusub:- oo ay ka muuqato sida arxan darada ahaa ee loo Laayay Shacakii ku Jiray xarunta ganacsiga Westgate!!

daajis.com:-Muuqaal cusub oo ay ka muuqato sida arxan darada iyo naxariis la'aanta ah ee Xarakada Alshabaab ee weerarey xarunta ganacsiga Westgate ay uga geysteen xasuuqa xaruntaas ayaa waxaa la sheegay inay soo shaac baxeen 


Muuqaaladaan cusub oo ah kuwo naxdin iyo argagax leh oo ayna ka muuqato weerarkii ay Soomaalidii ka tirsaneyd Xarakada Alshabaab ay ku qaadeen xarunta ganacsiga Westgate ayaa waxaa ka muuqda sida naxariis la'aanta ah ee ay Soomaalidaas ay xasuuqa ugu geysanaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, Muuqaalkaan oo ah mid naxdin badan ayaa waxay maleeshiyaadkaasi ay rasaas la dhacayeen cid kasta oo dhaqaaqeysay ayaga oo aan cidna u aaba yeeleynin taas oo keentay in dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa waqtigaas xaruntaas ganacsi uu qof waliba uu nafsadiisa la cararo si uu uga baxsado dhibaatadaan lama filaanka ah ee soo wajahday, Nimankaan oo u muuqday inuu kula talkoodu uu ahaa inay laayaan tirada ugu badan ayaa rasaas ooda uga qaadayey cid waliba oo dhaqaaqyso gudaha xaruntaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo muuqaaladaan cusub ee soo shaac baxay ay muujinayaan sida naxariis darada ah ee ay Soomaalidaas xasuuqa uga geysteen xaruntaas ganacsiga ee Westgate ayaa waxay arintaan ama muuqaaladaan cusub ay sidoo kale ay meesha ka saareysaa arimo la isla dhexmaraayey oo sheegaayey inay Ragaan ay dadka kala soocayeen oo ay dadka muslimiinta ah ay ka ilaalinayeen inay dhibaateeyaan maadaama ay muuqato inaysan cidna u kala aaba yeeleyn oo ay tooganayeen cid kasta oo ay ka helaan goobtaas, Dowlada Kenya oo wali wa baaritaano ku saabsan sida ay wax uga dhaceen xaruntaas ayaan wali laga helin warar sugan oo rasmi ah oo ku saabsan mashaqadii ka dhacday xaruntaas ganacsiga ee Westgate. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada