Daawo Sawirada:- Ninka Ciidamada Mareykanku doonayeen in ay ku qabtaan Degmada Baraawe ee G/Shabeellaha Hoose.

Daawo Sawirada:- Ninka Ciidamada Mareykanku doonayeen in ay ku qabtaan Degmada Baraawe ee G/Shabeellaha Hoose.

daajis.com:-Markii ugu horeysay ayaa waxaa saxaafadda u suura gashay in ay hesho sawirada nin ka mid ragga ay aad u baadi goobayso dowladda mareykanka, kaaso ka tirsan al Qaacidda geeska Africa.

Ninkaan magaciisa xarakiga uu yahay Abu Cikrama Almuhaajiri ayaa waxaa uu u dhashay Soomaalida dalka kenya, waxaana la rumaysanyaay inuu wax ka maleegay howl gallo argagixiso oo ka dhacay dalalka geeska Africa .

Abu Cikrama al muhaajir oo magiciisa runta ahna uu yaha C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa eedaymaha loo haysto waxaa ka mid ah ku lug yeelashada weeraradii lagu qaadey safaaradihii mareykanka ee dalalka Kenya iyo Tansania, iyo waliba weerar kale oo ka dhacay magaala xeebeeda Mambasa.

Dhawaan ayaa Ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee Mareykan waxay howlgal gaar ah ka fuliyeen magaalada baraawe kaasoo la doonayey in lagu soo qabto ninkaa hase ahaatee waa uu ka badbaadey.

Qalabka warbaahinta ee dalka norway ayaa ku waramay in Abu Cikrama Almuhaajir uu qaxootinimo isaga soo dhiibay dalka Norway sanadkii 2004kii isagoo sheegtay inuu kasoo qaxay Dalkaasi dagaaladu halakeeyeen, halkaas oo uu mudda ka shaqeynayey shirkad nadaafadeed, intii uusan dib ugu noqon Soomaaliya halkaas oo uu la sii shaqeynay ururka diimeedka mayalka adag ee Al shabaab.

Waxaana mid ka mid ah talafishinada ugu afka dheer dalkaasi Norway oo lagu magacaabo TV2 uu soo bandhigay sawiro farabadan oo ah ninkaas, kuwaas uu iska qaadey isag markii daganaa dalaka Norway. Sawiradan ayaa noqonaya kuwii ugu horeyey saxaafaddu hesho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada