LAyaab:- Gabar yar oo uur u qaaday Walaalkeeda Xilli ay la aqal-gashay Nin kale (Dhacdo ugub ah)

LAyaab:- Gabar yar oo uur u qaaday Walaalkeeda Xilli ay la aqal-gashay Nin kale (Dhacdo ugub ah)

daajis.com:-Gabar u dhalatay Dalka masar oo 22 sano jir ah deganna xaafada shibra oo ka tirsan Gobalka Qalyuubia oo 50Km u jira Caasimada Dalka Masar ee Qaahira ayaa habiinkii arooskeedii la ogaaday in ay uur labo biloda u leedahay walaalkeed oo 28 sano jir ah.

Habeenkii markii xaafadii loo soo guuriyay ayaa ninkii guursaday gabadha dareemay in ay ka muuqdaan astaamaha uurka (walac) markaas ayuu u waday dhaqtar baaritaan ku sameeya.

Dhaqtarkii ayaa ogaaday in ay gabadha uur labo bilood ah leedahay kadib baaritaankii.

Arintii ayaa faaftay oo gaartay meel walba oo ay ku jiraan qaraabadii gabadha iyo dhamaan dadka deganka.

Markii la weydiiyay gabadha cidda ay uurka u leedahay ayay sheegtay in walaalkeeda ku hooyo iyo aabe ah u leedahay uurka uuna xoogay dhowr jeer balse ay iyadu ka qarisay wiilka ay go`aanka ku gaareen in ay is guursadaan.

Gabadha ayaa sheegtay in uu wiilka ay walaalaha ahaayeen uu dhowr jeer uu usoo galay qolkii ay ka deganeed gurigooda uuna ku qasbay in ay dharka iska saarto hadii kale uu dili doono hase yeeshee cidna ma ogaysiin arintaan ayadoo ka cabsanaysay ceebta iyo fool xumada kasoo gaari karta walaalkeed iyo Eheladeeda sidaasi darteedna ay uga qarisay ilaa ugu danbayn uu ogaaday ninkii ay is guursadeen habiinkii ay aqal galayeen.

Wakiil dhanka amaanka deegankaas ayaa ku amray in lasoo qabto wiilkaan oo lagu magacaabo Mubiid Muxaara oo la horkeeno sharciga lagu qaado danbiga uu ka galay walalshiis.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada