Daawo:- Mawaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Daawo:- Mawaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

daajis.com:-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya iney dib usoo cusboonaadeen dilalkii iyo dhibaatooyinkii dadka Soomaaliyeed loogu geysanayey dalkaasi,wararka laga helayo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in wiil Soomaaliyeed lagu dilay magaaladaasi.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Yuusuf ayaa waxaa uu dukaan ku lahaa tuulo Khaliidsha oo hoostagta magaalada Cape Town,waxaana la tilmaamay in la dilay xilli uu gaari watay uuna marayey meel duleedka ka ah tuulada uu dukaanka ku lahaa.

Marxuumka ayaa waxaa dilay sida aan wararka ku heleyno kooxo burcad koonfur Afrikaan ah kuwaas oo la sheegay in kadib markii ay dileen inay qaateen gaarigii uu watay iyo hantidii saarneed,Ciidamada booliska dalkaas oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa lasoo sheegayaa ineysan ilaa hadda cid usoo qaban dilka loo geystay mawaadinta Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa maalmahan danbe ka nastay dil iyo boob joogto ah oo ay ku hayaan dadka madowga ee u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas ayaa walaac ka muujinaya beegsiga lagu hayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada