daajis.com:-Banaan Baxaan ay dhigayeen dadweyne fara badan oo south africaan ah kuwaa oo ka kala yimid deegaanada tuulooyinka ah ee hoos yimaada magaalada Cape town ee Dalka koofur Africa kuwaa oo ka Cabanayay hooy la'aan ka jirta deegaanada ay ku nool yihiin.
Dadka oo markii hore isugu soo baxay albaabka hore ee looga arimo maamulka Gobolka Westren Cape Magaalada Cape Town ayaa Markii Dambe waxa uu isku badalay xaalada foowdo ah iyo mid qalalaase kadib markii ay goobta soo gaareen dad ka tan badan kuwii loogu talala galay in ay banaan baxa ka qeyb qaataan waxaana xaalada ay noqotay mid boob iyo bililiqo isku badashay.
Wax yar kadib waxaa la kala qaatay Miisaska Ganacsiga ee yaalay Hareeraha Wadooyinka Magaalada Oo ay Ku Ganacsadaan dadka danyarta ah oo ay Somali ubadantahay iyo kuwa ajaanib ah inta la boobay waxaa lagu qiyaasay 13 miisaska ganacsiga ah.
durbadiiba waxaa goobta soo gaaray ciidamadda poliska oo bilaabay in ay xakameeyaan rabashadaha waxaana la xeray goobaha ganacsiga ee waa weyn iyo shirkada ganacsiga ee ku yaala gudaha magaalada ayada oo ciidamada polic-ka ay isku hareereeyeen xarunta gobolka.
Waxaa Jira Dhalinyaro badan oo soomaali ah oo jirdilo ay u geysteen Dadkii dhigayay banaan baxyada kuwaa oo qaar kood la geeyay goobaha cafimaadka ee Magaalada Cape Town
Dhacdaadaan ayaa noqonaysay midee ugu horaysay ee ka dhacda gudaha magaaladda Cape Town , iyadoona inta badan falalka boobka iyo rabshadaha ay ka dhici jireen banaanada magaalooyinka waa weyn.
Cabdirahmaan Muumin Codeey
South Africa Cepe Town
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:20 and have









