Ciidanka Kenya oo Duqeeyay Xaruun Tababar

Ciidanka Kenya oo Duqeeyay Xaruun Tababar

daajis.com:-Dawladda Kenya ayaa sheegatay inay duqayn ka gaystay Raama-Caddeey ee gobolka Baay.

Kenya waxay sheegtay in diyaaradaheedu ay burburiyeen xaruun tababar oo ay al-Shabaab ku lahayd meel lagu magacaabo Hurguun oo u dhow deegaanka Raama-Caddeey.

Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu burburiyay afar baaburta dagaalka ah iyo hub halkaasi yeelay.

Kenya ayaa intaasi ku dartay in goobta duqayntu ka dhacday ay ku sugnaayeen ilaa 300 oo ka tirsan maleeshiyada al Shabaab kuwaasi oo badankooda la aaminsanyahay in ay dhinteen qaar kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Kenya.

Weerarkan ayaa sida ay Kenya Sheegtay waxa uu daba socday weerar todbaadkii hore ka dhacay agaagarka Jilib oo lagu bartilmaamedsaday sarkaal al Shabaab ah.

Ilo wareedyo ku dhow dhow al Shabaab ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay balse waxay ku tilmaameen in khasaaruhu sidaas u badnayn
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada