Daawo Sawirada:-Sida Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Daawo Sawirada:-Sida Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta jubbada hoose si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxana madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo ku soo dhaweeyay maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hogaaminayay hogaamiyaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo dadweyne aad u fara badan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa markii loo galbiyay gudaha magaalada waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay madaxweynaha iyo hogaamiyaha MKG ah ee Jubba.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in shacabka jubbooyinka ay ku faraxsanyihiin in madaxweynaha J.F soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku yimaado magaalada Kismaayo,shacabkana ay in muda ah sugayeen hamuuna u qabeen in ay arkaan madaxweynaha soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo dhankiisa hadlay ayaa  shacabka gobollada jubbooyinka iyo maamulka KMG ah ee Jubba uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen magaalada kismaayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in duruufo dalka ka  jiro awgeed ay uga maqnaayeen magaalada kismaayo,laakiin aysan jirin wax xumaan ah oo uu uga maqnaa.

“Arrimaha aan u nimid waxaa ka mid ah nabadeynta Jubbooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyadii la gaaray. Qodobbadii lagu heshiiyay intoodii badan waa la isku af-gartay kuwa harsanna waa la dhameystiri doonnaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in uu tago magaalada kismaayo oo uu caawa la baryo dadka ku dhaqan kismaayo si uu ula sheekeeysto,kalana hadlo sidii horey loogu socon lahaa,loogana shaqeyn lahaa nabdda si uu dalku u noqdo mid nabad ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada tagitaankiisa magaalada kismaayo ay tahay xoojinta nabadii ka jirtay deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel la iska dhigo khilaafaadka iyo dhaliilaha jira,isagoo sheegay in ay midnimo muujiyaan dadka walaalaha ee wada dega gobollada jubbooyinka,islamarkaana ay taageeraan maamulka KMG ah ee Jubba.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ilaa beri waxa uu kulamo la yeelan doonaa maamulka KMG ah ee jubba,waxgaradka,odoyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada