Daawo Video:- Haweeney Sacuudiyaan ah oo la ooysay gaajo iyo faqri baaxad weyn oo soo wajahay nolosheeda!

Daawo Video:- Haweeney Sacuudiyaan ah oo la ooysay gaajo iyo faqri baaxad weyn oo soo wajahay nolosheeda!

daajis.com:-Haweeney u dhalatay dalkaas Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheeagay inay ku nooshahay nolol faqri iyo gaajo ah iyadoona ay haweeneydaasi ay la ooysay gaajo iyo faqri baaxad weyn oo soo wajahay nolosheeda arintaasi oo run ahaantiina ah wax lala yaabo maadaama dalka Sacuudiga lagu tiriyo wadamada aduunka ugu taajirsan. 

haweeney sacuudiyad ah
Qaar kamid ah haweenka dalka Sacuudiga ayaa waxa la sheegay inay ku nool yihiin nolol gaajo iyo faqri ah iyadoona ay haweenkaasi aysan awoodin xataa inay helaan cuntada nolol maalmeedka ah ee caadiga, Haweeney ka mid ah haweenkaas ay gaajada dilootay ayaa waxay sheegtay inaysan awoodin inay u hesho caruurteeda cunto ay cunaan islamarkaaana ay ku nooshahay waxay ka hesho dadka caadiga ah oo ay ku kaalmeeyaan, Haweeneydaan ayaa waxay sheegatay inay heyadaha caawiya dadka aan waxba haysan inaysan ka helin waxay ku noolaan karaan iyada iyo qoyskeeda, Haweeenadaan oo ay ilmadu ka qubaneyso ayaa codsatey in loo gargaaro. 

Ugu dambeuntiina iyadoo haweeneydaas u dhalatey dalkaas Sacuudi Carabiya ay ku nooshahay faqri iyo gaajo ayaa arintaasi waxay tahay mid yaab ku noqotey dhamaan dadka aduunka iyadoo la og yahay in dalkaas Sacuudi Carabiya oo lagu tiriyo wadamada aduunka ugu qanisan inay dadkiisa ay ka cabanayaan gaajo iyo faqri, arinta sidoo kale la ayaabka leh ayaa waxay tahay in qoyska reer boqor ee dalkaas Sacuudiga ay lacago fara badan ay ku bixiyaan waxyaabo maalaayacni iyo is tus tus ah sida in Prince Sultan bin Cabdulcaziz Al Sacuud uu ku caawiyey miyuusimka jaamacada Oxford lacag dhan 2 malyuun oo lacagta pounka dalka Ingiriiska ah Sidoo kale ayaa Prince Alwaleed Bin Talal Bin Cabdulcaziz Alsacuud uu lacag dhan 20 malyuuun oo doolar uu ugu yaboohay muyuusimka lagu magacaabo Louvre Museum (Musée du Louvre) oo ku yaala magaalada Paris ee dalkaas Faransiiska arintaas oo ah wax lala yaabo xilli ay qoyskaas reer boqor ay dadkoodii ay gaajo la ooynayaan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada