Daawo Sawirada:- Dhacdo Naxdin leh : Ciidamada Ammaanka Boosaaso Oo Qabtay Haweenay Ninkii Qabay Ku Xabaashay Gurigeeda Dhexdiisa."Fadalan Hadaawan Hadii Aad qalbi Jilicsan Tahay"

Daawo Sawirada:- Dhacdo Naxdin leh : Ciidamada Ammaanka Boosaaso Oo Qabtay Haweenay Ninkii Qabay Ku Xabaashay Gurigeeda Dhexdiisa."Fadalan Hadaawan Hadii Aad qalbi Jilicsan Tahay"

daajis.com:-Ciidamada Ammaanka ee magaaladda Boosaaso ayaa maanta gacanta ku dhigay Haweenay iyo laba nin oo lagu eedeeyey in ay ku dileen Boosaaso AUN Maxamed Bashiir.

Haweeneyda oo lagu magaaco Iftin Maxamed Cismaan ayaa sida la sheegay,waxaa dilka Saygeeda kala qeybqaatay Cabdishakuur Iyo Tamaam,kuwaas oo dhammaantood kasoo wada Jeeda Qowmiyada Oromada Itoobiya.

Marxuumka la dilay oo qabay Iftin Maxamed Cismaan ayaa markii ay dishay Saygeeda sida lagu eedeeyey isla markaana ay kala qeybqaateen laba nin oo kale,waxay ku Xabaaleen Hoyga ay degantahay Isaga oo Jarjaran laguna guray hilibkiisa Jawaan.

Dilka Maxamed Bashiir.oo laga Joogo muddo Shan bilood ah,waxay mudadaas Haweeneydii uu qabay dadka dariska la ah ugu Sheekeyn jirtay in Saygeedii Tahriibay isla markaana Badda uu ku dhintay.

Gurigii uu degenaa oo maanta dib looga soo saaray,waxaa mudadaas Shanta bilood ah Isku qabay Haweeneydiii dishay oo Xaaskiisa ahayd iyo mid kamid Ragii dilka kala qeybqaatay,kaas oo gacanta lagu dhigay.

Markii la weydiiyey Sababta uu dilkia Saygeeda ugala qeybqaatay,waxa uu sheegay in Haweeneydu markii hore ay u ballanqaaday in uu guursano isla markaana hawsha dilka Saygeeda ula fuliyey.

Taliyaha Saldhiga Baalade Siciid Cali Ibraahim oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan dadka eedeysanayaasha ah ee falkaan loo qabtay ay qirteen isla markaana baaritaan dheeri ah wadaan.

””Illaahay ayaa noo fududeeyey Kiiskaan dulmiga iyo musiibada ah ee dhacay inaan ku guuleysano,waxyaabaha ka dhimana gacanta ayaan haynaa,meesha ninka la geliyey iyo maydkiiba waad aragteen…””ayuu yiri Taliye Siciid Cali.

Dhammaan dadka falkaan lagu eedeeyey ayaa ku jira gacanta Ciidamada Ammaanka gobolka Bari gaar ahaana Boosaaso,waxaana lagu wadaa in dhawaan la hor keeno Maxkamad si danbigooda loogu qaado.

Bishii ,November 6th, 2012 maalin Subax ah ayaa,waxaa laga dhex helay guri kuyaala Xaafada Raf iyo Raaxo nin si naxariis darro ah looga Jarjaray gacamaha,madaxa,gacmaha iyo lugaha isla markaana lagu guray Suuli.

Waxaana dhacdadaas foosha xun loo qabtay ninkii sameeyey oo ka hor qirtay Maxakamada gobolka Bari in uu danbiga geystay,waxayna Maxkamadu ku riday xukun dil ah.

Si kasta falalka Caynkan oo kale ah ayaan horay looga aqoon deegaanada Puntland,waxaana lagu wadaa maalmaha soo aadan in Maxkamad la horkeeni doono eedeysanayaashaas.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada