Daawo Video:- Somaalida iyo qaar ka mid ah Cadaanka ku nool Norway oo ka hadlay Ninkii Soomaaliga ee Soo abaaulay Weerarka Westgate!!

Daawo Video:- Somaalida iyo qaar ka mid ah Cadaanka ku nool Norway oo ka hadlay Ninkii Soomaaliga ee Soo abaaulay Weerarka Westgate!!

daajis.com:-Somaalida iyo qaar ka mid ah cadaanka ku nool dalkaas Norway ayaa waxaa la sheegay inay yaab iyo amakaag ay ku noqotey ka dib markii ay maqleen in nin Soomaali ah oo ku noolaan jirey dalkaas uu yahay ninkii ka dambeyey weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee dalka Kenya 


Ninkaan oo magaciisa Shabaabku uu yahay Ikrimah al-Muhajir laakiinse lagu magacaabo Cabdulqadir Maxamed Cabdulqadir oo ah nin Soomaali ah oo ku noolaan jirey dalkaas Norway ayaa waxaa dhawaantaan soo shaac baxday inuu yahay nin ku lug lahaa weeradadii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya, Ninkaan oo ku noolaa magaalada Ringsaker ee dalkaas Norway ayaa waxaa la sheegay inuu dalkaas isaga dhiibay qaxootinimo sanadkii 2004 asagoona ku noolaa dalkaas ilaa sanadkii 2008 iyadoona markaas ka dib la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay ninkaas laakiinse dhawaantaan un laga war helay inuu ka mid ahaa ragii soo abaabulay weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaadeen xaruntii ganacsiga ee Westgate iyadoona weerar lala beegsaday ninkaas ay ku qaadeen ciidamada Navy Sealka dalkaas Mareykanka xilli uu ku sugnaa ninkaas magaalada Baraawe 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas xilligii uu ku sugnaa dalkaas Norway uu ahaa qof caadi ah islamarkaana uu ka soo shaqeeyey shaqooyin kale duwan ayaa qaar ka mid ahaa dadkii ay wada shaqeyn jireen waxay ku noqotey wax lama filaan ah markii uu soo gaarey wararkaas sheegaayo in ninkaas lala xiriirinaayo arimo argagaxaxisanimo Cali Xassan Sacid oo ah madaxa xarunta islaamka ee magaalada Ringsaker ayaa waxaa uu sheegay inuu rumeysan waayey markii uu maqlay arintaas lala xiriirinaayo ninkaas Soomaallga ah, Laakiin Hamisi Zahidi oo ah nin aqoon u leh ninkaas ayaa sheegay inuu ninkaas ahaa waligiis nin xag jir ah oo neceb dadka Noorwijiyaanka, Ninkaan oo aysan jirin wali cid xaqiijin karta kaalinta uu ku lahaa weerarkaas loo geystay xaruntaas Westgate ayaa sirdoonka dalkaas Mareykanka iyo kuwo Kenya waxay sheegeen cadeymo buuxdo inay u hayaan inuu ninkaas ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii loogeystay xaruntaas ganacsiga ee Westgate. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada