Daawo Sawirada:- Dhaqaatiir Shiinees ah oo ku guuleestay in ay sameeyaan Qaliin aan Nuuciisa horey loo arag

Daawo Sawirada:- Dhaqaatiir Shiinees ah oo ku guuleestay in ay sameeyaan Qaliin aan Nuuciisa horey loo arag

daajis.com:-Dhaqaatiir u dhalatay dalka Shiinaha aqoon badana u leh qaliinka iyo qurxinta Jirka bini'aadamka ayaa ku guuleestay in ay sameeyaan qaliin nuuc cusub ah oo dunida oo idil ka yaabiyay.

Dhaqaatiirta ayaa qaliin ku sameeyay gabar u dhalatay Dalka Shiinaha oo lagu Magacaabo Xu Jianmei oo 17-sano jir ah oo wajiga ka gubatay iyada oo 5-sano jir aheed, waxa ayna xiligan kunoo shahay Koonfur Bari Dalka Shiinaha .

Gabadhan ayaa ka gubatay Wajigeeda waxaana gabi ahaan lumay muuqaalkeedii dabiiciga ahaa , waxaana hada Dhaqaatiir u dhalatay Shiinaha ku guuleesteen in ay ku sameeyaan Qaliin dib u qurxiyay Muuqaalka Wajigeedii.

Dhaqaatiirtan Qurxinta jirka bini'aadamka ee Shiinaha ayaa unugyo kamid ah jirka gabadhaasi ku beeray laabteeda kadibna dib ugu beeray wajigeeda ,waxaana qaliinkan lagu tilmaamay mid dunida oo dhan ka yaabiyay walina wax badan la iska weediinaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada