Daawo Muuqaalka:-Siyaasiga Al Xaaji Maxamed Yaasiin oo isu soo sharaxay xilka Madaxweynanimada Puntland

Daawo Muuqaalka:-Siyaasiga Al Xaaji Maxamed Yaasiin oo isu soo sharaxay xilka Madaxweynanimada Puntland

daajis.com:-Siyaasiga caanka islamarkaana ka midka ahaa musharixiintii xilka madaxweynanimo ee dalka Soomaaliya ee Al xaaji Maxamed Yaasiin ayaa waxaa la sheegay inuu isu soo sharaxay xilka madaxweynanimada maamulka Puntland.
Al xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa siyaasiyiintii u sharaxneyd xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya ee ku hungowday arintaas ayaa waxaa la sheegay inuu mar kale isu soo taagay inuu u tartamo xilka madaxweynanimada maamulka Puntland oo la filaayo horaanta sanadka soosocdo inuu ka dhaca maamulkaas, Al xaaji Maxamed Yaasiin ayaa waxaa uu sheegay inuu wax badan uu u qaban doono deegaanada iyo dadka maamulkaas hadii lo doorto xilkaas asagoomn sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono musalaxada iyo isu soo dhawaanshaha iyo dib u heshiisiinta guud ahaan umada Soomaaliyeed. 

Ugu dambeyntiina wadaadkaan Siyaasiga ah ee Xaaji Maxamed Yaasin ayaa waxaa uu sheegay inkastoo uu og yahay in doorashooyinka ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya inay noqdeen kuwo lagu kala guuleysto laaluush oo uuna arintaas goob joog u ahaa laba jeer oo hore oo sanadkii 2004 oo uu isucsoo sharaxay xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya looga guuleystay lacag laaluush ah oo la bixiyey iyo sidoo kale in sanadkii 2012 mar labaad looga guuleystay lacag la siiyey xil dhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay inuusan adsagu marnaba diyaar u ahayn inuu bixiyo wax laaluush ah oo u ku tilmaamay inay tahay arin xaaraan ah, Sheekhaan ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo hadii lagu sheego go'aan ka dhan inuu guuleysto ama looga guuleysto xilka madaxweynanimada ee maamulka Puntland. Xilka madaxweynanimada maamulka Puntland oo dhici doono horaanta sanadka soo socda ayaan la ogeyn cida ku guuleysan doonto iyadoona ay maalin walba ay soo baxayaan musharixiin hor leh oo raajicis ugu jira inay qabtaan xilkaas madaxweynanimo ee maamulka Puntland.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada