Daawo Sawirada :- Aroos Cajiib ah oo loo dhigay Gabadha ugu yar gabdhaha uu dhalay Suldaanka Dalka..

Daawo Sawirada :- Aroos Cajiib ah oo loo dhigay Gabadha ugu yar gabdhaha uu dhalay Suldaanka Dalka..

daajis.com:-Mid kamid ah aroosyadii ugu fiicnaa ayaa loo dhigay gabadha ugu yar uu dhalay Suldaanka Dalka Indonesia Humengkubuwono , iyadoona arooskaasi uu noqday mid indhaha caalamka si weyn usoo jiita.

Arooskan ayaa lagu casuumay dad kor u dhaafaya 800- oo qof waxa uuna socday ilaa sadax maalin oo xariir ah , kasoo qeyb galayaasha Arooska ayaana ka kala yimid meelo kala duwan oo gudaha Dalkaasi iyo dibadiisa ah.

Gabadha Suldanka dhalay ee la aroosayay ayaa lagu Magacaabaa Guti Ratu Kanjeng waxa ayna is guursadeen nin ay isku jeclaadeen Jaamacad ay wada dhiganayeen oo kutaala Dalka Mareykanka oo isna lagu Magacaabo Kanjeng Pangren Haryo.

Arooska loo dhigay gabadha ugu yar Suldaanka Dalka Indonesia ayaaka koobnaa dhoor nuuc oo dhinaca dhaqanka ah , waxaana loo agaasimay sadax nuuc ah loo eegayay dhinaca Diinta , dhinaca Dhaqanka reer Indonesia iyo dhaqanka Reer Galbeedka .

Arooska ayaa lagu furay Socod lamaanaha iyaga oo ku labisan Darees Dahab kasameesan ku tagayeen Guriga Suldaanka halkaas ay Salaan iyo Duco ugu tageen Suldaanka iyo Xaaskiisa.

Xaflada Arooska loo dhigay gabadha uu dhalay Suldaanka Dalka Indonesia aayaa noqotay mid si weyn usoo jiidatay Warbaahinta Dalkaasi iyo kuwa caalamiga kuwaa oo tabinayay muuqaalo lagasoo qaaday Arooskaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada