DAAWO VIDEO:- Film laga sameeyay waxtarka ciidamada Jabuuti ee B/weyne

DAAWO VIDEO:- Film laga sameeyay waxtarka ciidamada Jabuuti ee B/weyne

daajis.com:-Film Documentery ah oo laga sameeyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kana howlgala magaalada Baladweyne ayaa dareen gooni ah ku gelinaya marka aad daawato iyo habdhaqankooda ciidamada Jabuuti ee Baladweyne ku sugan.

Ciidamo isugu jira Rag iyo Haween ka socda Jabuuti ayaa lagu wareystay muuqaalkaan, kuwaasi oo hadaladooda dareen kugu reebaya marka aad daawato iyo sida ay xushmada iyo galgacalka ugu hayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Muuqaalkaan qeyb ka ah, dad ku sugan dalka Jabuuti oo fikrado laga soo aruuriyay, kuwaasi oo la dhacsan caawinta askartooda u yimaadeen Soomaaliya, waxayna dhamaantood kuu sheegayaan in Hiil ay u yihiin Soomaaliya, sababta loogu baxshay ciidamada Jabuutina ay magacaasi tahay u hiilisho gooni ah maadaama dhiig iyo dhiicaan la wada wadaago.

Ciidamada Jabuuti ayaa rajeynaya in Taariikh aan la hilmaami doonin ugu tagaan Baladweyne, iyo in mustaqbalka dadka Jabuuti usoo xagaa baxaan magaalada ay hadda nabada kusoo dabaaleen ee Baladweyne.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada