Daawo Video:- Soomaaligii soo abaabulay weerarkii lagu qaday xarunta ganacsiga Westgate oo ahaa Nin muqayil ah.

Daawo Video:- Soomaaligii soo abaabulay weerarkii lagu qaday xarunta ganacsiga Westgate oo ahaa Nin muqayil ah.

daajis.com:-Soomaaliga loo raadis badan yahay aduunka ka dib markii lagu soo edeeyey arimo la xiriiro argagaxisanimo iyo inuu yahay ninkii soo abaabulay weerarkii lagu qaday xarunta ganacsiga Westgate ayaa waxaa la sheegay inuu ahaan jirey nin isticmaala muqaadaraadka noocyadiisa kala duwan. 


Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabadulqaadir laakiinse magaciisa Alshabaabku uu yahay Ikirimah oo ay sirdoonka dalalka Kenya iyo Mareykankaba ay aamissan yihiin inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ayaa waxaa la sheegay inuu ahaan jirey ka hor inta aanu ku biirin maleeshiyaadka kooxda Alshabaab nin isticmaal muqaadaraadka noocytadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin Qaadka iyo xashiishkaba, Sida uu sheegay nin magaciisa lagu sheegay Xaaji oo ay saaxiibo ahan jiren islamarkaana ay ka wada tirsnaan jireen maleshiyaadka kooxda Alshabaab, ninkaas ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu ninkaas uu yahay nin aan waligiis lagu arkin goob dagaal laakiin uu yahay nin qaabilsan inuu dajiyo qorshayaasha iyo baleenada lagu qaadayo weerarada iyadoona sida uu sheegay ninkaas in qorshayaasha uu dejiyo nikaasi ay yihiin kuwo si wanaagsan looga baaraan degay islamarrkaana ay madaxdiisu ay u riyaaqaan mar walba kaartada uu dejiyo ninkaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah oo ku noolaan jirey dalka Norway oo sidoo kalena la sheegay in sanadkii 2007 lagu arkay dalkaas Ingiriiska uu yahay Soomaaliga loogu raadis badan yahay aduunka ayaa waxaa la sheegay inuu ku biiray maleeshiyaadka kooxda Alshabaab sanadkii 2008, iyadoona dhawaantaan weerar lala beegsanaayo ninkaas oo ay ciidamada kumaandooska dalka Mareykanka ay ku qaadeen magaalada Baraawe oo lagu tuhunsanaa inuu ninkaasi ku dhuumaaleysanaayo uu fashil ku dhamaaday, Ninkaan oo inta badan ay wada shaqeyn fiican ka dhaxayso aajanabiga ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa sidoo kale waxaa uu yahay isku xiraha maleeshiyaadka kooxda Alshabaab iyo Alqaacidada ka jirta jasiirada Carabta, Ninkaan oo ah hogaamiye baaxad weyn ayaa waxaa mar walba ilaalo u ah in kabadan 20 ciidamo ah oo si aad iyo aad ah u hubeysan oo katirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada