Dowlada Kenya oo 15 Sarkaal shaqada Ka Eriday

Dowlada Kenya oo 15 Sarkaal shaqada Ka Eriday

daajis.com:-Wasiirka Amniga Kenya Joseph Ole Lenku ayaa shaqada ka eryey 15 ka mid ah saraakiisha sar-sare ee waaxda socdaalka kadib markii lagu eedeeyey inay dad ajaanib ah ay si sharci darro ah ku siiyeen waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorada dalkaasi.



Wasiirka ayaa sheegey in saraakiishaasi maxkamad la soo taagi doono, isagoo dhinaca kale ku darey in saraakiil cusub oo dowladda ka tirsanaa ay ka hawlgeli doonaan waaxda socdaalka si ay u beddelaan saraakiisha la eryey.

Saraakiisha cusub ayuu wasiirku sheegay in hawshooda noqon doontaa dib u habeynta hawlaha waaxda socdaalka iyo ka hortagga waxa loogu yeero musuqmaasuqa.

Shaqo ka eryida 15kaasi shaqaale ayaa imaanaysa xili dowlada kenya ayaa dadaal dheer ugu jirto soo qabashada ragii kadambeeyay weerarkii kadhacay Westgate Mall ee kenya .

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada