Jennifer Lopez: Hollywoodka ayaa igu qasbay inaan fanaanad noqdo.

Jennifer Lopez: Hollywoodka ayaa igu qasbay inaan fanaanad noqdo.

daajis.com:-Fanaanada caanka ah ee Jennifer Lopez oo hada jirta 44-sano, ayaa daaha ka qaaday in ay dhibaato badan kala kulantay shirkada Hollywoodka, eyadoo tiri waxey cadaadis igu saareen inaan is caateeyo laakiin kama yeelin fikradaas maxaa yeelaay waxaan rumeysnaa inaan toosanahay.

"Qoyska aan ka dhashay waxey igu beereen kalsooni ah in sidaan ahay aan ku qurxoonahay, muuqaalka jirkeyguna yahay mid wacan, laakiin arinta yaabka leh ayaa eheed, marki shaqsiyaad igula taliyeen inaan muuqaalkeyga wax ka badalo, hadii aan rabo inaan aduunka caan ka noqdo, Hollywoodkana aan galo.

Lopez yaa sidoo kale tilmaantay in soo saarayaal fara badan ay ku cadaadiyeen iney caato iska dhigto, si ay ugu qalanto Hollywoodka, eyadoo sheegtay iney eyaga kutiri 'aniga wax qoloocnaan ah iima muuqdaan  ee mushkiladu dhankiina ayay ka jirtaa, waxaan u sheegay in wax kasto ay yihiin iimaanka qofka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada