Daawo Sawirro:- go’doonka ay ku jirto Jowhar iyo Doonta loo raaco marka magaalada la galayo

Daawo Sawirro:- go’doonka ay ku jirto Jowhar iyo Doonta loo raaco marka magaalada la galayo

daajis.com:-Xaalad go’doon ayaa ka jirta magaalada Jowhar, iyadoo xilligan wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ay labo qeyb ka kala go’day, markii ay saameeyeen roobab iyo fatahaado is biirsaday.

Dadka ku safra wadadaas ayaa ku sheegaya in safarkooda uu qaato ilaa 7-saacadood, ayna dhib badan kala kulmaan, waxaana jira cabsi laga qabo yaxaasyo iyo masas soo galay biyaha wadada gooyay.

Doon ayay dadka raacaan marka ay gaaraan agagaarka deegaanka Garaash Buula Garaam oo qiyaasti Jowhar u jira ilaa 5-4KM, waxaana doonta ay geysaa afaafka hore magaalada, ugu yaraan waxay qaadataa nusa saac ama hal saac, marka loo eego baaxada biyaha iyo wadada qaar oo boholo ah, lagana cabsado in doonta ay qalibmato.

Doonta ayay waxay isu kala gudbisaa dadka Muqdisho aadaya iyo kuwa Jowhar soo aadaya oo gawaarida ay ku kala wareegaan, kuwaasoo banaanka biyaha ku sugaya dadka.


Qiimaha Doonta lagu raaco ayaa ah $2 oo u dhigan tahay lacag dhan 40-kun shilin Soomaali, waxaana laga yaabaa in qiimaha uu ka sii bato, maadaama ay Hal doon kaliya ka shaqeyso wadada.

Doontan ayaa waxaa raaca dad u dhaxeeya 10-15, si aanay culeys u fuulin, miiskana u lumin, isla markaana aysan u qalibmin sida uu Laanta.net  u sheegay naaquudaha doonta kaxeeya.

Ma jirto ilaa iyo hada wax laga qabtay fatahaadaha oo wali sii socda, hey’adaha sama falka ayaa gaarin deegaanada fatahaadaha saameeyay, halka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu wax ka qaban waayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qudheeda isha ka eeganeysa xaalada ka jirta Jowhar, waxaana ka maqan kaalintii dowladda ee kaga aadaneyd samata bixinta marka ay musiibo nuucaan oo kale ay dhacaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada