Daawo Video:- Telefishinada dalal aanan Muslim aheyn oo shaaciyay gudashada Xajka inay Kheyr & Barako u tahay Muslimiinta

Daawo Video:- Telefishinada dalal aanan Muslim aheyn oo shaaciyay gudashada Xajka inay Kheyr & Barako u tahay Muslimiinta

daajis.com:-Inta badan warbaahinta Caalamka gaar ahaan Telefishinada laga leeyahay dalalka aanan Muslimka aheyn ayaa carabka ku dhuftay gudasha Xajka inay tahay waajib xaq ku ah qof kasta oo Islaam ah hadane awoodo inuu soo xajiyo ka dibna ka qeeyb qaato maalita qaaliga ah ee Ciidul-Adxaa. 

Halkaan ka Daawo Barakada & Kheyrka Xajka iyo warbaahinta dalal aanan Muslim aheyn oo soo bandhigay

Warbaahinta Caalamka oo gudashada Xajka si toos ah u soo tabineeysa ayaa waxa ay wareeysiyo Cajiib ah kasoo qaadeen Dad Xujeey ah oo Xajka dhexdiisa Alle Sw ku warsaday dambi dhaaf iyo ducooyin kale oo loogu duceeyay dalal Muslimiin ah oo dagaalo ahli ah ay ka socdaan. 

Mid ka mid ah Xujeeyda ayaa sheegay inuu Alle ka baryay in dalka Syria dhibaatada iyo colaada uu ka kor qaado halka Xaaji kale uu isna sheegay inuu ilaaheey ka baryay in dalka Masar uu dhibaatada iyo colaada ka taagan ka dul qaado. 

Telefishanada Caalamka ayaa sheegay in sanadkaan Muslimiinta ka qeeyb galeeysa waajibaadka Xajka ay kor u dhaafayaan in ka badan 2 Milyan oo qof kuwaas oo ka kala yimid dhamaan Dunida dacaladeeda. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada