XOG:- Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inuu iibsaday Saraakiil Alshabaab ah oo dil lagu xakumay.

XOG:- Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inuu iibsaday Saraakiil Alshabaab ah oo dil lagu xakumay.

daajis.com:-Iyadoo uu maanta Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu meel fagaaro ah Salaada Ciid kula dukaday Shacbiga Kismaayo, ayaa waxa uu halkaasi ka iclaamiyay in MKG uu cafis u fidin doono maxaabiista ku xiran saldhiga magaalada Kismaayo.


Cafiska Maxaabiistaasi ayaa waxa uu Axmed Madoobe kaga dhawaaqay fagaare uu dadweynaha Kismaayo kula tukaday saaka salaadda Ciidda, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Axmed Madoobe uu iibsaday Maxaabiis Dilal ku xukunaa oo Alshabaab ah.

Sidoo kale, balamaha Axmed Madoobe, ayaa waxaa si aad u dhaliilsan Saraakiisha Ciiddamadda Ammaanka oo iyagu sheegay in Maxaabiista lasii deynaayo ay yihiin Alshabaab lagu riday Xukuno kala duwan haba ugu badnaadeen kuwa Dilka lagu xakumay.

Shabakadda oo heshay Warar hoose ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dhowr kun ku iibsaday Sideed Saraakiil Alshabaab ah kuwaasoo ay Xogtu tibaaxeyso inay ahaayen Saraakiil dil lagu xakumay Muddo Seddex bil ka hor.

Waxaa iminka Khilaaf iyo is qabqabsi kadhashay Ballan qaadka Axmed Madoobe ee siideynta Maxaabiista wallow maanta uu kalamo kala duwan laqaatay Saraakiisha una sameeyay Martiqaad.

Si kastaba ha ahaatee, lama Oga waxa kasoo baxay kulanka maanta u dhexeeyay Madaxweynaha MKG iyo Saraakiisha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada