Dhacdo layaab ah oo ku dhacday Nin iyo Naagtiisa oo aroos ahaa. "Waa maxay dhacdadaasi"??

Dhacdo layaab ah oo ku dhacday Nin iyo Naagtiisa oo aroos ahaa. "Waa maxay dhacdadaasi"??

daajis.com:-Nin Germany ah ayaa xilli ay isaga iyo xaaskiisa u safrayeen todobo baxa bisha Aroosaka ugu horeysa ku iloobay xaaskiisa xarun lagu iibiyo shidaalka oo ay ku hakadeen, saacado kadib ayuu dib ugu soo laabtay.

Lamaanahan ayaa ku sii socday dalka France iney ku soo qaataan bisha Todobo baxooda ,waxaana haweeneyda arooska ay ku huruday qeybta dambe ee gaariga.

Ninka arooska ayaa ku hakaday meel gas station ah, markaas oo ay haweeneyda ka dagtay gaariga si ay suuliga u gasho iyadoo aan ninkeeda u sheegin.

Ninka ayaa gaarigiisa iska sii watay isagoo u heysta in xaaskiisa ay weli hurudo, laakin wuxuu ogaaday inuu ka yimi markii uu jaray 200 kilometer.

Policeka ayaa soo wacay ninkii una sheegay in xaaskiisa ay ku sugeyso gas stationka, waxaaney warbaahintu xaqiijiyeen in mudo shan saacadood kadib ay arooskan dib u midoobeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada