Daawo VIideo Layaab Leh:- Nin aroos ah oo garaacay aroosadda xilli lagu guda jirey xaflada iyo goobtii isku badashay dagaal!!

Daawo VIideo Layaab Leh:- Nin aroos ah oo garaacay aroosadda xilli lagu guda jirey xaflada iyo goobtii isku badashay dagaal!!

daajis.com:-Dhacdo yaab iyo amakaag leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalkaas Iiraan ka dib markii nin aroos ahaa uu garaacay naagtii aroosada xilli lagu guda jirey xaflada arooska taas oo keentay inay goobtii aroos ahayd ay isku badashay goob dagaal iyo gacan ka hadal.

Arooskaan oo ka dhacay dalkaas Iiraan ayaa waxaa la sheegay in sabab aan la qoon ay haweeneydii aroosada ahayd ay qaniinyo ku dhajisay ninkii arooska ahaa xilli uu afka u galinaayey haweeneyda aroosada ah toortihii ama cakega arooska arintaas oo uu ninkii arooska ahaa uu si aad iyo aad ah uu uga carooday ayaa waxay keentay inuu asaguna uu dharbaaxo uga soo gooyo haweeneydii aroosada ahayd laakiin arintaas ayaa waxaa iyadana ka carooday qaraabadii haweeneydii aroosada ahayd ee ku sugnaa goobtaas xaflada arooska ahayd iyadoona ay weerar ku soo qaadeen ninkii arooskaa ka dibna ay xafladii isku badashay guud ahaan goob dagaal oo loo kala baxay taageerayaasha iyo ehelada haweeneydii arooska ahayd oo ka soo horjeeda taageerayaasha iyo qaraabada ninkeedii aroosaayey.

Ugu dambeyntiina iyadoo xafladaas ku bilaabatey farxada iyo aroosku ay isu badashay goob dagaal ayaa waxay dad badan oo ka qeyb galay xafladaas ay wali is weydiinayaan sababta ku ka liftey haweeneydaas aroosada ahayd inay farta ka qaniinto ninkeeda arooska ah iyo inay arintaas u sameysay si ay ugu tala gashay iyo inay ahayd wax uga dhacay si kama ah oo aysan ugu tala galin, arooskaan oo ka dhacaayey dalkaas Iiraan ayaa qaar ka mid ah dadka reer Iiraan waxay dhaqan u leeyihiin in toortaha ama cakega arooska uu ninku gacanta ama fartiisa uu afka ugu galiyo haweeneyda uu aroosaayo arintaas oo sabab u noqotey inay xafladaas aroosku isu badashay goob dagaal.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada