Jilaaga Soomaaliyeed iyo Jilaaga Maraykanka ee Tom Hanks oo ka Warbixyay Filimkii Ugu Horeeyay!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Jilaaga Soomaaliyeed iyo Jilaaga Maraykanka ee Tom Hanks oo ka Warbixyay Filimkii Ugu Horeeyay!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo uu weheliyo jilaaga caanka ah ee u dhashay dalkaas Mareykanka ee Tom Hanks ayaa waxay markii ugu horeysay ay ka warameen filimkooda cusub ee lagu magacaabo Captain Phillips kaas oo ku saabsan burcad badeed Soomaaliyeed oo qafaalayatay markab laga leeyahay dalkaas Mareykanka. 




Jilaaga Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Barkhad Cabdi oo ah jilaaga filimka Captain Phillips oo sidoo kale uu aktar ka yahay jilaaga caanka ee Tom Hanks ayaa waxay markii ugu horeysay ay si wadajir ah uga hadleen qaabkii iyo sidii loo sameeyey filimkaas Captain Phillips. Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad ayaa waxaa uu sheegay inuu mar dambe uu si lama filaan ah uu ku ogaaday in loo baahan yahay oo la raadinaayo qof jila burcad badeednimo asagoona goor dambe uu iska soo xaadiriyey goobtii laga xulanaayey qof ugu wanaagsan ee jila kara qaabka ay doonayeen soosaarayaasha filimkaas Captain Phillips, Barkhad ayaa waxaa uu sheegay in halkaas lagu qaatey asaga oo uuna ka guuleystay in ka badan ilaa iyo 700 oo qofood oo Soomaali ahayd oo isku soo diyaarisey inay ku guuleystaan, Filimkaas oo ah qiso dhab ah oo dhacday ayaa jilaaga Soomaaligu waxaa uu ku matalayaa magaca Muuse. 

Ugu dambeyntiina iyadoo filimkaas Captain Phillips uu dhawaantaan un loo soo bandhigay aduunka laakiinse si rasmi ah looga daawan doono shaneemooyinka dalka Mareykanka laga bilaabo bisha Oct. 11keeda ayaa jilaaga weyn ee Tom Hanks oo ah ninka kaalinta weynka qaadnaayo filimkaaswaxaa uu sheegay inuu ahaa filimkaas duubitaankaas howl aad iyo aad u cuksleyd oo aad iyo aad u dhib badnayd, Fillimkaan ayaa waxaa uu ka waramayaa sheekada ninka lagu magacaabo Captan Richard Phillips oo ay sanadkii 2009 ay afduubteen burcad badeeda Soomaaliyeed iyadoona ay ugu dambey ay ka soo xoreeyeen ninkaas burcadii heysatey ciidamada mariniska Navy SEALs ee dalkaas Mareykanka ka dib markii ay toogasho ku dileen 3 ka mid ahayd burcadii heysatey ninkaas, Filimkaan ayaa waxaa uu ilaa iyo hada uu ku guleystay abaalmarinta Hollywood Film Award, Soomaalida kale ee jileysa filimkaas ayaa waxaa ka mid ah Faysal Ahmed oo ku jilaaya filinka Najee, Mahad M. Cali oo asagana ku matalaaya Cilmi iyo Barkhad Abdirahman oo ku jilaaya filimkaas magaca Billaal. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada