War Deg Deg ah:- Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne.

War Deg Deg ah:- Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne.

daajis.com:-War hada naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday goob ganacsi.


Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ahayd maqaayad ku dhow xarunta maamulka gobalka Hiiraan halkaa oo dad badan ay ka cunteynayeen, lama oga illaa iyo haatan cida qaraxaasi lagu bartilmaameedsanayey.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay weerarkan lamana oga tirada saxda ah ee wax ku noqotay halkaa iyadoo ay wadaan baaritaano falkaa ku aadan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ka socda dalka Jibuuti.


Wixii war ah oo ku soo kordha qaraxaas kala soco daajis.com Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada