Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baladweyn.

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baladweyn.

daajis.com:-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen qasaaraha ka dhashay Weerar ismiidaamin ah oo maanta Barqadii ka dhacay maqaayad ku taal Magaalada Baladweyn.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa waxaa geestay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaa oo dhaxda ka galay Maqaayad ay kusugnaayeen Ciidamo katirsan Dowlada , Ciidamo Itoobiyaa ah iyo dad kale oo shacab ah.

Maqaayada uu qaraxu ka dhacay oo aheed maqaayad ay dad badan isugu yimaadaan ayaa waxa ay ku taalay meel aan ka fogeyn Xarunta Gobolka , Qaraxa Ismiidaaminta ah ayaana ahaa mid aad u xooganaa oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan Magaalada.

Qasaaraha Hordhaca ah aan ogaanay in ay ka dhasheen Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa gaaraya ilaa 16-qof oo dhimasho ah iyo tiro intaa ka badan oo iyana dhaawacyo culus iyo kuwa fudud uu kasoo gaaray.

Dadka Weerarka Ismiidaaminta ah ku dhintay waxaa kamid ah sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo halkaasi kusugnaa, inkastoo la tilmaamayo qasaaraha xoogiisa in uu gaaray dad rayid ah.

Warar hordhac ah oo kasoo baxaya Weerarka Ismiidaaminta ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan qasaarooyin soo gaaray Saraakiil sar sare oo katirsan Ciidanka Dowlada , Xildhibaano horey uga tirsanaa Dowlada iyo waliba ganacsato caan ka ah Magaalada Baladweyn.

Xaalada halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid ilaa xiligan kacsan waxaana soo buux dhaafiyay Ciidamo katirsan Dowlada , Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Itoobiya ee jooga Baladweyn , waxa ayna halkaasi kawadaan baaritaano aad u xoogan.

Isbitaalka Magaalada Baladweyn ayaa waxaa buux dhaafiyay Dhaawacyada ka dhashay Weerarka Ismiidaaminta ah ee Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyn , waxaana xiligan Isbitaalka kasocda gurmad loo sameenayo dadka ay waxyeeladusoo gaartay.

Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin Weerarkan Ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Baladweyn , sidoo kale ma jirto wali cid sheegatay Masuuliyada Weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Baladweyn inkastoo ay jiraan koox lagu tuhmayo Weerarkaasi lana filayo in saacadaha soo aadan sheegato Masuuliyada weerarkaasi.

Waxii Faah faahino dheeraad ah oo kasoo kordha Weerarkaasi kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada