Daawo Sawirka:- Amin Caamir oo sawir cajiib ah ka sameeyay hogaamiyihii burcad badeeda oo dhawaan Yurub lagu xiray!!

Daawo Sawirka:- Amin Caamir oo sawir cajiib ah ka sameeyay hogaamiyihii burcad badeeda oo dhawaan Yurub lagu xiray!!

daajis.com:-Farshaxaniista weeyn ee Soomaaliyeed Mr.Amin Caamir Amin ayaa sawir cusub ku cabiray qaabkii uu u dhacay falkii ay ciidamada booliiska Dalka Beljemka ku soo xera galiyeen shaqsi lagu magacaabo Mohamed Abdi Hassan (Afweyne) oo loo heeysto inuu hogaamin jiray qaar ka mid ah burcad badeeda Soomaalida.


Ninkaan ayaa inta aanan la qaban ka hor waxaa lagu war galiyay in aad loogu baahan yahay oo uu ka qeeyb qaadan doono Filim cusub oo laga sameenayo kooxaha Burcad badeeda ah kaas oo loo balan qaaday in la siin doono lacag fara badan oo uu ku qanco.

Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaan Afweeyne ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels waxaa durbadiiba gacanta ku dhigay ciidamada booliiska dalka Beljemka, wuxuuna kiiskiisa maalmahaan dambe Saxaafada caalamka ka noqday kan ugu hadal heeynta badan maadaama ninkaan si cajiib ah lagu soo xero galiyay. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada