Daawo Video:- "Faafaahin Qaraxii Balaweyne oo dhimashada ay gaartey ilaa 20 iyo ciidamada Ethiopia oo sii kordhiyey dhimashada

Daawo Video:- "Faafaahin Qaraxii Balaweyne oo dhimashada ay gaartey ilaa 20 iyo ciidamada Ethiopia oo sii kordhiyey dhimashada

daajis.com:-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro badan ka dhashay oo noociisa uu yahay ismiidaamin kana dhacay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. 




Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi, ayaa sheegaya in dhimashada dadka ay ku dhaw dahay 20-ruux oo shacab iyo ciidan isugu jira, sidoo kalena dhaawaca uu ka badan yahay intaasi. 

Dadka geeriyooday ayaa isugu jira shacab iyo ciidan, waxaana lasoo warinayaa in dadka dhintay ay ku jiraan dhalinyaro dhawaan Urur ay ku mideysan yihiin Gobalkaasi laga hirgeliyay. 

Sidoo kale wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Ethiopia oo goobta joogay ciidan ay uga geeriyoodeen, waxaana tirada ciidanak Ethiopia ee waxyeelada soo gaartay lagu sheegay inay gaarayaan ilaa afar askari. Wararkale ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee iyana goobta ka agdhawaa uu soo gaaray khasaaro, inkastoo wararkaasi aan si dhab ah loo xaqiijin Karin. 

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdule oo goobta ku sugan ayaa laguwadaa in goordhaw uu shirjaraa’id qabto kana hadlo waxa ka dhacay Magaalada. 

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo si aad ah ugu dhaw albaabka hore ee xarunta Gobalka, ayaa hada waxaa ka socda gurmadka dadka loo sameynayo, iyadoo gaadiidka Ambulance-ka ah ay daadgureynayaan dadka dhibaatada soo gaadhay. 

Ciidamada Ethiopia ayaa rasaas ay fureen qaraxa kadib, waxaa lasoo wariyay inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, taasi oo sii kordhisay tirada dadka ku geeriyooday qaraxa. 

Xaalada Magaalada Beladweyne, ayaa aad ukacsan, waxaana gabi ahaanba la xiray nawaaxiga halka qaraxa uu ka dhacay ee xarunta Gobalka ku dhaw.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada