121 Xildhibaan oo ku midoobay Ololaha HDD? Ololaha Hiilka Dastuurka iyo Dimoqoraadiyada.

121 Xildhibaan oo ku midoobay Ololaha HDD? Ololaha Hiilka Dastuurka iyo Dimoqoraadiyada.

daajis.com:-Kulan ka dhacay guriga Ra,isulwasaare Saacid ayaa looga dhawaaqay Isbaheysi ay ku midoobeen 121 Xildhibaan oo la magacbaxay HDD.


Xildhibaanada gaaraya 121-ka Xildhibaan ayaa saxiixay ololaha Hiilka Dastuurka iyo Dimoqoraadiyada kaas oo loola jeedo in looga hortago mooshinka kooxda Damu Jadiid ee cadaalad darada iyo awood maroorsiga.

Xildhibaanada guriga Ra,isulwasaraha qadada loogu sameeyay todobo ka mida ayaa saxiixa kadib shaqooyin u yaalay u laabtay halka ay ilaa habeenimadii isla caweeyeen Ra,isulwasaraha 114 Xildhibaan.


Xildhibaanada ku midoobay ololaha Hiilka Dastuurka iyo Dimoqoraadiyada ayaa la rumeeysan yahay inay laali doonaan mooshinka Damu Jadiid ,iyadoo dhinaca kalena uu socda cadaadis Dowlada Mareykanka iyo Qaramadda Midoobay ku saareeyso Madaxweyne Garguurte inuu xilka iska casilo.

Madaxweyne Garguurte waxaa lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay awood siin urur diimeedka Damu Jadiid,halka uu sidoo kale musuqmaasuqay dhaqaalahii dalka,kuna tacadiyay dhibanayaal uu xabsi geliyay.

Kooxda Damu Jadiid iyo Madaxweynahooda waxay wajahayaan xaaladii ugu adkeed .

Cadaadiska ugu balaaran wuxuu damu jadiid ka wajahayaa beesha Caalamka oo dooneysa inay geliyaan godoon siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada