WAR DEG-DEG AH:- Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Oo Looga Yeeray Adis Ababa!!

WAR DEG-DEG AH:- Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Oo Looga Yeeray Adis Ababa!!

daajis.com:-Maadaama aysan Soomaaliya wali yeelan nidaam iyo dowladnimo ku saleysan dastuur iyo cadaalad, waxaa inta badan qilaafka madaxda Soomaaliya lagu xalin jiray xaal-mastuur kadib marka ay soo dhex galaan qaraabo, saaxiibo iyo inta badan wadamo shisheeye. Waxaase hada siyaasadda Soomaaliya ku cusub in qilaafaadka siyaasadeed ee madaxda ay soo dhex galaan xaasaska iyo xididka madaxda.


Waxa cadeyn u ah arintaas in qilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'isal Wasaare Saacid oo shalay la saadaalinayay in Ra'isal Wasaaruhu uu si nabad ah isku-casili doono ay hadda la wareegtay go'aankiisa marwada Ra'isal Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi oo kitaab ku martay inuusan si fudud xilka uga dagi doonin seygeedu. Laba todobaad ka hor ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Xildhibaanad Caasho Xaaji ay si gooni gooni ah ula shirtay xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo ka bilowday Xildhibaanada beelaha Dir iyo Isaaq oo ay ku dacweysay Wasiirka Arimaha Dibada Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan inay u shaqeyso Madaxweyne Xasan Shiikh halkii ay la shaqeyn laheyd Ra'isal Wasaaraha ay hoos tagto. Xil. Caasho ayaa beelihii ay la kulantay ka codsatay inay ugu hiiliyaan Ra'isal Wasaaraha cadaaladda, marka mooshinka xil-ka-qaadistiisu uu yimaado Baarlamaanka.

Ol-olaha Xil. Caasho ay bilowday laba todobaad ka hor ayaa laga dheehan karaa in Ra'isal Wasaare Saacid uu mudo ka hor qorsheeyay gadoodka iyo isku-dhaca isaga iyo madaxweynaha, taasoo uu fuliyay laba maalmood ka hor markii uu madaxweynaha hor geeyay liis Wasiiro ah oo ay ka maqan yihiin saaxiibadii madaxweynaha oo ay ugu horeeyaan Faarax C/qaadir iyo  Fowsiyo Yusuf Xaaji. Wararka qaar ayaa sheegaya in markii madaxweynuhu uu ka codsaday Ra'isal Wasaaraha inuu is-casilo uu shuruud la'aan ku aqbalay Ra'isal Wasaaruhu, laakiin uu culeys iyo diidmo kala kulmay marwadiisa iyo saaxiibadiis oo ku adkeystay inay cidiyaha ku dagaalami doonaan. Waxaa la xoojinayaa in Xil. Caasho Xaaji ay booqasho ugu tagtay madaxweyne Xasan Shiikh ayna u sheegtay inuusan is-casili doonin Ra'isal Wasaare Saacid ayna ugu hanjabtay madaxweynaha inay isku-baran doonaan Baarlamaanka hortiisa iyo ciddii la timaada "135 cod" taasoo sida hada muuqata lagu kala maqan yahay. 

Wali ma cadda sharciyada Dastuurku waxa ay ka qabaan cidda xilka ka qaadi karta Ra'isal Wasaaraha iyo in sidiisaba lagu dhaqmo Dastuurka dalka u yaal. Waxa jira qodob ku yaala Dastuurka oo sheegaya in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu magacaabo isla markaana xilka ka qaado Ra'isal Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirada, taasoo uusan wali cuskan madaxweynuhu, maadaama uu xil-ka-qaadistiisa ka dhigay qaab codsi ah, halkii uu sharciyada dastuurka u adeegsan lahaa. Dhanka kale taageerayaasha Ra'isal Wasaaraha ayaa ku doodaya in mar hore uu madaxweynuhu jabiyay sharciyadii dastuurka uuna ku takri-falay awoodii Ra'isal Wasaaraha oo uu muddo sannad ah kusoo shaqeysanayay sidii inuu wadanka ka yahay Ra'isal Wasaare, halka uu mudane Saacid-na ahaa guri-joog.

Dagaalka madaxda Soomaaliya iyo far-isku-fiiqooda waxaa ka sareeya oo kuligood korka ka maamula waxa loogu yeero Beesha Caalamka oo adeegsaneysa AMISOM iyo wadamada dariska ah, waxaana dhici karta in kubadda jamboolka ah ay iyagu tureen, ayna cabaar isku fiirsan doonaan, iyagoo ujeedadoodu tahay in aan wali la gaarin xiligii Soomaaliya loo dhisi lahaa dowlad xor ah oo iskeed isku maamusha. Waxaana dhici karta in saddexda sanno ee soo socota lagu dhameeyo is-jiid-jiidkaan. Waxaa cadeyn u ah arinkaas in maanta ururka Midowga Afrika uu ku dhawaaqay fulinta hindisihii Golaha Amaanka ee kordhinta ciidamada AMISOM oo maanta la gaarsiiyay 22,000 iyadoo hada ay kusoo biiri doonaan ciidamada Itoobiya oo beri loo diidi jiray inay si rasmi ah ciidamo ugu diraan Soomaaliya. 

Filimka ka daaran Muqdisho wuxuu u egyahay kii laba sanno ka hor ay jilayeen madaxweyne Sh. Shariif iyo Ra'isal Wasaare Max'ed Farmaajo oo sidaan oo kale looga yeeray Kampala kadibna lagu soo heshiisiiyay inuu xilka ka dago Ina Farmaajo, kadibna la magacaabay C/wali Gaas oo halkii kasii waday is-faham-waagii iyo dagaalkii madaxweyne iyo ra'isal wasaare. 

Isla filimkii oo ay jilayaan atoorayaal cusub ayaa hadana shidan, waxaana maanta looga yeeray labada mas'uul ee is-haya magaalada Adis Ababa, halkaasoo la filayo in lagu soo heshiisiiyo inuu iska tago Ra'isal Wasaare Saacid laakin jagadaan la siiyo qof kasoo jeeda beelaha Daarood gaar ahaan Majeerteen, kadibna uu halkaas kasii socdo filimka magaciisu ahaa is-fahamwaaga iyo qilaafka Madaxweyne iyo Ra'isal Wasaare. Lakin markaan xaaladu way ka duwan tahay sidii hore oo waxaa la sheegtaa in laga baxay ku-meel-gaarnimadii, waxaase arinkaas burinaya in safar dib-u-heshiisiin ah loo aadayo Adis Ababa, halkii ay aheyd in qilaafka lagu xaliyo gudaha Soomaaliya iyo Baarlamaankeena xorta ah sida lagu magacaabo. 

Madaxweyne Xasan Shiikh oo isku arka inuu yahay madaxweyne rasmi ah, xor ah, awood buuxdana u leh maamulka dalka waxaa u qorsheysan inuu soo magacaabo markaan Ra'isal Wasaare uu ku kalsoon yahan si aysan mar dambe u dhicin is-fahamwaa, waxaana lasoo sheegayaa in markaan uusan qiimeyn doonin nidaamkii ahaa Hawiye-Daarood oo ay dhici karto inuu magacaabo Ra'isal Wasaare Isaaq u dhashay. Inkastoo sida xaqiiqada ah ay tahay in go'aamada Soomaalidu aysan iskeed u madax-banaaneyn oo dibadaha wax looga soo meerin karo. Waxaase hubaal ah in haddii madaxweyne Xasan Shiikh lagu qasbo inuu keeno qof Majeerteen ah uu raadsan doono Majeerteen ka tirsan ururka ay saaxiibada yihiin ee Damul-Jadiid.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada