Abwaan Xasan Dhuxul oo ka hadlay Sababtii ku dhalisay in uu sameeyo Heesta Yaasmiin & Hayaan + Video

Abwaan Xasan Dhuxul oo ka hadlay Sababtii ku dhalisay in uu sameeyo Heesta Yaasmiin & Hayaan + Video

daajis.com:-Abwaanka Caanka ah Xasan Dhuxul lab Saalax oo ah Gudoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Africa ee Magaalada Hargaysa ayaa waraysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay 
Sababtii ku dhalisay in uu curiyo Heesta Yaasmiin & Hayaan.

Waxa uu sheegay Abwaanka in heesta Yaasmiin u sameeyay Xaaskiisa Yaasmiin oo iminka la joogta Magaalada Hargaysa balsa ka hor inta aysan isku imaan heestaa uu sameeyay maadaama kala fogaayeen.

Waxa uu ku sheegay Sababta heestaa in uu curiyo ku dhalisay  ay tahay kadib markii gacalisadiisa Yaasmiin kala fogaadeen oo muda ku noolayd Dalka UK halka asagu xiligaa ku sugnaa Africa.

Abwaan Dhuxul waxa uu sidoo kale sheegay in heesta Hayaan naftirkeeda u sameeyay Xaaskiisa Yaasmiin waxana Abwaankaa uu caan ku yahay curinta Heesaha asaga oo curiyay 57 heesood, waxoow uu sheegay in ay caan  noqdeen 48 hesood .

Heesta Yaasmiin oo ah Hees uu ku luqeeyo Fanaanka Namcan Hilaac ayaa noqotay heesta ilaa iyo iminka aadka looga xiseeyo deegaanada looga hadlo afka soomaaliga waxaana ay soo baxeen labadaa Heesood 2013 sanadkaan.

Heesta Hayaan waxaa asna ku luqeeya Fanaanka reer Hargaysa aadka uga daba dhaceen Maxamed Bk waaxaana heestaa ka mid tahay Heesaha dad badan dareenkood is bedal ku keentay.

Abwaan Dhuxul oo ah nin ilaahay hadiyad u siiyay Curinta Heesaha ayaa Heesaha uu curiyay waxaa ka mid ah Hees Wadani ah u sameeyay Somaliland taa oo noqotay Heestii ugu horaysay ee Wadni ah uu sameeyo.

Mr Dhuxul oo dad badan ku dhaliilaan in Murtidiisii iskugu geeyay Somaliland maadama Heesahiisa badana u dhiibo Fanaaniinta Somaaliland ayaa hadana dhan kale waxaa dad badan u arkaan mid horumar ku sameeyay Fanka Somaliland oo taageera badan helay .

Abwaan Dhuxul oo caan ku ah kalimada shab shab oo ah luqada K/Africa looga hadlo macanaheeduna tahay Haye haye ayaa muda 7 sano ah waxa uu ka maqnaa Somaliland waxa uuna safar ku tagay Dalal dhoor ah asaga oo joogi jiray Dalka K/Africa halkaa uu ku raagay balsa waxa uu sheegay in u adkaysan waayay nolsha halista ah ee Dalkaa ka jirta taana keentay in uu ku laabto Somaliland.
Mahamed Bk
Nimcaaan Hilaac


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada