Daawa Sawirada:- Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shakisan yahay basaasnimo

Daawa Sawirada:- Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shakisan yahay basaasnimo

daajis.com:-Maamulka Puntlan ayaa maanta sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shakisan yahay in ay yihiin jaajuusiin oo ku sugnaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.



Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe isla markaana raga iyo qalab ay wateen u soo bandhigay saxaafadda ayaa sheegay in xukuumadda ay soo qabatay labo nin oo looga shakisan yahay in ay yihii basaasiin.
Waxa uu intaasi ku daray wasiirka in xukuumadda ay baaritaano ku sameeyeen labada nin kadibna ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in raga markii hore ay ku soo galeen deegaanada Puntland in ay yihiin urur maamulka Puntland kala shaqeenaya arrimaha samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay duufaanta,balse ay wadeen howlo basaasnimo ah.
Waxa ay ka soo jeedaan labada nin ay soo qabteen maamulka Puntland wadamada Ingiriiska iyo France,iyadoo ciidamada ay so qabteen 14-kii bishan Noverber.
Waa markiii ugu horeysay ee xukuumadda Puntland ay sheegto in ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shakisan yahay in ay yihiin jaajuus sanadkan 2013
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada